Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Shiikh C/Qaadir Gacamey Oo Uga Digay Faroole Fadeexad Dagaal Hor Leh

Tuesday - September 27, 2011

Maamulka uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole ayaa muuqata in mar kale ay ku soo fool leedahay fadeexadii ugu xumayd, kadib markii uu ka biyo diiday in si nabad galyo ah lagu dhammeeyo mashaqadii uu ka abuuray xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Sida la sheegay waxaa ay fadeexadani imaan doontaa haddii uu fuliyo fal uu ku doonayo inuu mar kale weerar gaadmo ah ku qaado xaafadda Garsoor, waxaana markan ka dhalan kara tallaabadaas guul darro ay caddahay inay la soo gudboonaanayso ciidamadiisa uu ka keenay gobollada ka fog Mudug ee uu maamulkiisu ka arrimiyo.

Sida wax loo sharxayo, waxaa markan faroole horyaalla labo arrimood oo keeni kara guul darro ay wax badan ku sheekaystaan jiilasha inaga danbeeya.

Midda koowaad ayaa ah in dagaalkii hore aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin dadka xaafadda Garsoor, balse markaan ay muuqato in wixii xoolo la haystay hub lagu badashay si loogu  diyaar garoobo dagaal taariikhi oo ay dadka xaafadda Garsoor ay cibro uga dhigi doonaan maamul kasta oo kibir iyo gardaro ku soo hawaysata karaamada iyo sharafta dadka.
Midda labaad ayaa ah in beelaha dega gobolka mudug ay ku gacan sayreen inay ka qayb qaataan dagaal markale lala galo beesha Leelkase, maadaama ay ogyihiin in dagaalkii hore uusan wax faa’iido ah u soo kordhin dadka ku dhaqan gobolka Mudug.

Faroole fadeexadda ku soo fool leh ma ahan mid ka qarsoon indhaha jifada uu ka soo jeedo ee degta gobolka Nugaal, balse waxaa digniin u jeediyay Shiekh C/qaadir Gacamey oo ka mid ah culimada gobolka Nugaal iyo guud  ahaanba Puntland oo si cad uga digay Faroole dagaal kale oo uu la galo beesha Leelkase, taasoo uu Shiikhu ku sheegay inay soo dedejinaysay burbur iyo kala jajab ku yimaada Puntland oo ay beeshaani u ahayd difaaca aagga hore ee gobolka Mudug iyo udub dhexaadka aasaasitaankii Puntland.
Waxaa kale oo iyana rucub iyo argagax wayn ay ku beerantay ciidamada uu Faroole hogaamiyo, kadib markii ay u xog warrameen xildhibaanadii ka socday Dawladda Federaalka ee tagay xaafadda Garsoor, kuwaasoo indhahooda ku soo arkay awood military oo aan indhaha laga qarsan Karin, kadib markii lagu soo galbiyay gaawirada gaashaaman oo ay geesaha ka taaganyihii kumanaan wiil oo ku dhaartay inay naftooda u huri doonaan difaaca maatadooda.
Faroole oo haatan ay doondoonayso cadaaladda caalamka ayaa isku dayaya inuu ka siibto mashaqada uu lugihiisa ku doontay,balse arrintaasi ma suuroobayso tan iyo inta uu raali galin ka bixinayo hadalkii qadafka ahaa ee uu ku tilmaamay beesha Leelkase inay yihiin Alshabaab, taasoo keentay in beeshu ay dib isugu laabato oo ay ka tashato kasii mid ahaanshaheedu maamul ku dhisan gawraca iyo kala sooca shacabkiisa.
Iyadoo maalmaha soo socda dad badani odorasayaan in ay dhacdo fadeexadda Taariikhiga ah ee Faroole dharka looga dhigayo, ayaa Galdogob Times ay akhristayaasheeda u ballan qaadaysaa inay min daqiiqad daqiiqad idin kugu soo gudbiso dhacdooyinka ugu dambeeya iyo dhiillada ka taagan magaalada Gaalkacyo.