Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qurba Joog Iyo Gudo Joog Waxaan Leenahay: Wixii aad Soo Qaadeen Sammcan Wa Daacan Yaa Ugaas

Tuesday - September 27, 2011

Iyado dhalsho iyo xigtaba la yahay Ood la wada wadaago dhibaato wey timaada oo dadka cuqubooyin iyo dhagar ayaa inta badan kala gaarta, waxaana iminkana kaba si daran oo laguba sii jiraa waa xiligi wareerka " Tiih" maantoo kalana in lagu haraado colaad oo wax lagu jaan-goosto laga wanaagsan .. waxaa kalo meesha ku jira haddi aan alle laga cabsan oo laga  digtoonaan ibleyska  samada xiimaya ayaa balaayo qalbiga wax ku sawiri-doona, dabadeedna garsho noo diida oo ay timaado walbahaar iyo in la gablamo oo waalidkii waayaan wax garab taagan. 

Waxaan Odayaasha duubka xiran caqliga iyo garaadka leh iyo xildhibaanada beelaha sharafta mudan uga mahad naqeynaa sida aad ugu soo xayd-xaydateen suunkana ugu giigsateen so af-jarida colaada una soo buuxiseen gogosha xaajoodka maslaxada iyo garnaqsiga loogu sal-dhigaayo umadda reer Puntland adinkoo u maray hababka kala duwan xalinta wixii soo qooshay qunbuladaha rasaas dhacaysey iyo balaayadi shacabka ka kor qiiqeysay, waana mid aan ku hamineyney in sida ay tahay runta wax loo kala sifeeyo cadaaladuna gasho xaqiiqada fogaatay, iyadoo la  rajeynaayo in kuwa dagaalka qurux moodaya tunkooda daawanaya aysan qiiq iyo qorshe dagaal cusub dib loo hurin, balse ay nabada qaataan iyadaa kheyr roone.

In kasto la gadoodsanaa mar haddi gar-wadeenadi u hadlayey beesha oo ugu horeeyey Ugaaskii labaad Cali Ugaas noogu soo baaqay waa la heshiiyey dhag dheer dhimatay iyo nabad baa dhacday gar alle saluugmo kasta oo jirta reer qurba joog iyo guda joogba diyaar uma aha hadal iyo dood furaan oo wixii la dhihi-lahaa goobta shirka ayaa wax walba lagu falaanqeeyey, waxa kaliya no furan oo dawgu yahay inaan garabsiino nabada laga sharqamiyey .. annagu awlba waxaan ahayn dad lagu yiqiinay nabad ka shaqeynta diiday gardareysi fitno iyo guul-guul la isula yimaado, siyaasad sirgixan, gacan tokleynta iyo waxa xun laysugu garaabo, waxaan waligayaga aaminsaneyn gacmo wada jira iyo talo loo dhan yahay,isa saamax, soor la wada qaybsado in gool lagu dhalin-karo .. Allaha ha nagu caawiyo nabad baa macaan leh oo maanta murug iyo dhib waxaa noogu filan ama cibaaro ah kala maqanaashaha umaddi Somaaliyeed.

Hadalka waxba yuu ila gudbine daala dhac kor iyo hoosba iyo markii maskaxda la rog-rogay waxaan bulsho reer ahaan warka ku soo gaba-gabeyneynaa waanadi baaqa nabada iyo wacdiga la is faray ee guud ahaan iyo gaar ahaan na soo gaaray waa qaadanay, dibin ruug iyo neerva kaca waa dhamaatay .. maraxab hawrarsan iyo wada gudoon wacan taariikhdu waa marag, wixii aad tiraaheeden suga iyo shirka dambe iyo hadal noo cuntama waan u yuururnaa.