Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Midawga Afrika Oo Iftimiyey In Beesha Caalamka Ku Fashashay Amaanka Iyo Abaaraha Somaliya Hareereyey

Monday - September 26, 2011

Muqdisho - Ururka Midawga Afrika (AU) ayaa markii u horraysay iftiimiyey in beesha caalamku ku fashilan tahay wax ka qabashadda ammaanka iyo abaaraha hareereyey Soomaaliya.

Sida xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, Guddoomiyaha Midawga Afrika Mr. Jean Ping ayaa sheegay in beesha caalamka hortaagan tahay ciidamo ay Soomaaliya geeyaan, wuxuuna intaasi ku daray Guddoomiyuhu inay diyaariyeen haatan ciidamo dheeraad ah oo gaaraya ilaa 3,000 (saddex kun) oo askari oo Soomaaliya loo soo diro, hase ahaatee ay ku adag tahay inay soo daabulaan sababo uu ku sheegay in beesha caalamka ay kaa gaabineyso in ciidamadaasi la geeyo dalka Soomaaliya.

Mr. Jean Ping waxa uu hadalkiisa ku sheegay inuu dhawaan la kulmay wakiilo ka socday talisyada ciidamada Yugandah, Burundi, Jabuuti, Guinea iyo Sierra Leone oo diyaar u ah sida uu sheegay inay Soomaaliya ciidamo geeyaan.

" Malaayiin ruux oo Soomaali ah ayey dhibaatooyin nololeed haysataa kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaro iyo ammaan xumo, caalamkuna diyaar uma ah inay wax ka qabtaan arrimahaas," ayuu yiri; Guddomiyaha Golaha Midowga Afrika Jean Ping, isaga oo tilmaamay inay dhinacooda sii wadayaan u kaalmeynta bulshadda Soomaaliyeed.

Mr. Jean Ping waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay dhankooda ka go’antahay inay kordhiyaan tirada ciidamadooda Soomaaliya jooga oo uu ku sheegay inay haatan gaarayaan 9,000 (sagaal kun) oo askari oo ay gaarsiinayaan illaa iyo 12, 000 (laba iyo toban kun) oo askari, wuxuuna wadamada beesha caalamka uu ku eedeeyay inay ku fashilantay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed sida abaaraha iyo ammaanka.