Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Sahan " Opinion Poll " Laga Dhex Sameeyey Qurbaawiga Leelkase Kuna Saabsan Heshiiski Nabada

Thursday - September 29, 2011

Kadib markii dhawaan murugada shaqaaqada dagaalka ay ka bilaabatay cariga Gaalkacyo gaar ahaan degmada Garsoor oo ay ka dhaceen barakac iyo waxaan dan ku jirin oo sidi casrigi jaahiliga rasaas la isku maansheeyey taaso laga dhaxlay meyd tiro beelay iyo naafo sida turaabta ah.

Galdogob Times oo ay soo gaartay nuqul ku xardhan heshiiska laga gaaray dhinacyada isku dhacay ayey ka dib toosh ka daba qaadatay ujeedo su'aal la xariirta sida qurba joogta reer leelkase gaar ahaan xubno kooban oo iyagu sida timihi uga marteen madaxooda bey xumaantina uga dhamaatay oo daacad aan nina garabka ku dhufaneyn, su'aalaha la weydiyey ka qayb qaateen.

Tirada dadka wax la weydiiyey oo sida ay U door-bidaan jawaabta u banaaneyd waxay dhamaayeen  123 Qof oo isugu jira noocyada bulshada oo meelo kala duwan kaga nool caalamka oo aysan ku jirin Nairobi, Dubai iyo London

Su'aasha oo hab xiriir is-gaarsineed oo kolba rac-rac xiliyo kala duwan u dhaceysay waxay wax weydiinta su'aashu u dhigneyd sida hoos ku xusan, isla markaa miiska wararka noogu soo dhacaan oo shakhsiyad badan si joogta nola soo xariira gaar ahaan maalinta ay ribato ayaa jaaniskaas wax weydiinta looga faaiideystay oo ka dhiibtay iyagana ra'yigooda, waxaana codsi afeef ah inaan lagu dag dagin durida Ra'yiga dadkaas oo ay dhici-karto ineysan adiga si gaara isku aragti u ahayn.

                          --------------------------------------------------------------------------

1)- Su'aasha Kowaad: Sidee U Aragtaa Heshiiska Nabada Gaalkacyo Mustaqbal Ahaan Sida U Shaqeyn-karo iyo Jawaabtada sababeysan

A- Waa Shaqeynaysa  B- Ma Shaqeyneyso  C- Waxay Ku Xirantahay Madaxda Maamulka P/land  

D- Waxay Ku Xirantahay Maamulka Goblka Iyo Bulshada Degaanka Wada Dega

F- Yaad Ka Magacaabi-karta Raga Kaalinta Wanaagsan Ka Qaatay Xalinta Murugi Nabada iyo Heshisyada Dhacay.

                             -----------------------------------------------------------------------------

2)- Su'aasha Labaad: Yaa Loo Eersanaya Amase Ka Masuul Ahaa Dagaal Halkaas Ka Dhacay

A- Maamulka Faroole .. B- Labada Dhinac( Garsoor-Farole) ..  C- duruqa Suufiya.

D- Wahaabiyada .. F- Labada Dhinac ( Wahaabis iyo Sufiya) .. G- Gacan Shisheeye Iyo PIS-ta

F- Khidadaha Laysarka Mr.Gaagaab Iyo Kooxdiisa Marqaanku hago 

                             --------------------------------------------------------------------------------

Jawaabta Su'aasha Koowaad Iyo Qodobada Su'aasha Kowaad Waxuu Mid Kasta ka dhiibtay Jawaab U Sababeeyey Oo Ah Sida Hoos Ku Xusan 

- Tiro 32 Qof oo ka jawaabaysey Qodobada Su'aasha Kowaad waxay yirahdeen Heshiisku Waa shaqeynaya, iyagoo ku sababeeyey in 40 sano aysan halkaas wax shaqaaqo horay uga dhicin oo wada noolaasha iyo nabada caadi u ahayd siiba waqtiyadi ugu xumeyd ee dagaalka sokeeye  socdeen, arintaana ay ahayd wax kadisa iyo agaasin hawlgal hogaan xumo ku yimi.

- Tiro Dhan 35 Qof oo isla Qodobadaas Su'aasha Kowaad Ka Jawaabeysay Waxay yiraahdeen Nabada iyo heshiiska iney Shaqeeyaan waxay ku xirantahay maamulka Gaalkacyo iyo dadweynaha wada dega Degaanka Gaalkacyo, waxayna ku sababeeyeen haddi ay iyagu wada jir iyo is-ixtiraam muujiyaan dagaal Garoowe iyo meel kalaba lagama soo abaabuli-karo

- Tiro 25 Qof oo isla qodobadaas Su'aasha Kowaad ka jawaabay waxay dhaheen heshiska iyo nabada waxay ku hirgali-karta iyado maamulka Garoowe Faragalinta qaawan iyo been abuurka joojiyo.

- Tiro 31 Qof oo Qodobadaas ka Jawaabay waxay cadeeyeen in heshiiskaan usan shaqeyneyn iyagoo ku sababeeyey oo yiri inta ay maqantahay cadaalada wax wada qaybsiga maamulka Gaalkacyo wax kasta oo heshiis nabad galyo ma waari-karaan  

                             ---------------------------------------------------------------------------------------------

                    Jawaabti Su'aalaha Qaybta No 2 Iyo Sida Ay jawaab Uga Bixiyeen

-Tiro 30 Qof waxay yiraahdeen Shaqaaqada Dhacday Waxaa Ka Masuul ah C/raxmaan Faroole, oo qaladkii farsamada hawlgalki wasiirkiisa amniga iyo saraakiisha falxumada geysatay faroole ku sii adkeystay halka u wax ka toosin-lahaa ayuu sidi dikteetarada si galay carriiqsi iyo ku joogsi xadgudub oo ma noqon hogaamiye xaalada si farsameysan u dajiya

-Tiro 20 Qof waxay yiraahdeen Waxaa shaqaaqada Ka Masuul Ahaa Ahlu Suna Wal-jamaaca oo ka faaideysatay xiriirka ay la leeyihin Faroole iyo itoobiya dacaayadna ka fidisay Garsoor

-Tiro 22 Qof Waxay Dhaheen arinta Shaqaaqada Waxaa ka dambeeyey Gacan Shisheeye Iyo PIS-ta oo xog qalada ka haysata in Garsoor ay caadifad u hayaan Al-shabaab

-Tiro 10 Qof Waxay Dagaalka Dhabarka U Saareen Khidadaha Gaagaab Iyo Kooxdiisa Mirqaanku Hago oo biyo hoostood ka arkay reer Garsoor oo aan la garaneyn colaadaas halka ay salka ku hayso 

-Tiro 10 Qof Waxay yiraahdeen shaqaaqada dagaalka Waa Wada Leeyihiin Garsoor iyo Faroole, iyagoo yiri Garsoor waxaa jooga kuwa kitaab qumane gaar ah qorta ku sita cid ay wax ka maqlayana aysan jirin oo wixi horomar iyo wax la qaybsiga umadaha had jeer ka faag faaganaya, kuwaaso ay yiraahdeen cidna kuma faruur xirna ee sidooda u qalafsan-yihiin

-Tiro 21 Qof waxay dusha u saareen kooxaha Wahaabiska lagu sheego Iyo Suufiyada oo colaad iyo borobogaandada ka Dhex Oogan awgeed saameyn ku yeelatay xasaasiyaadka amniga mandiqada, oo la yiri wixi wax dila amase qarxiya Garsoor bey ka yimaadaan .. Yacni wixii xunba Xaawa Leh

-Tiro 10 Qof waxay yiraahdeen kama hayno xog fiican sida xaaladu u dhacday oo kuma dambaabi- karno 

*** Su'aasha ku Jirta Nombar kowaad ee qodobkiisa "F" Ee La xariirta Raga Kaalinta Weyn Ka Qaatay heshiiska Nabada Waxay Dhamaan Isku Wada Raaceen In Ugaaska Labaad Cali Ugaas Maxamed U Nambar Kow "One" Ka yahay halganka U nabada iyo heshiiska ugu dabar adeegay   waxuuna darajo sharaf ku Helay Boqolkiiba 98% Halka Ay isagana Darajo Sharaf ay ka siiyeen Garaad Maxamed Cilmi Shirwac Garaadka Cabdi Ciise oo Helay Boqolkiiba 95% ****