Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Somaliland Oo Runta Loo Sheegay

Saturday - October 1, 2011

Xigasho Calanka:Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agostine Mahiga oo iminka ku sugan dalka Denmark oo lagu soo gabo-gabeeyay shirka ICG-da ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda Somaliland ee magaalada Copenhagan ugu sheegay runta marka ay noqoto midnimada Soomaaliya.

Mahiga ayaa sheegay in Somaliland horumarkii ay ku talaabsatay 20-kii sano ee la soo dhaafay aanan indhaha laga daboolan karin balse ay Somaliland ku khasban tahay in ay la shaqeyso koonfurta Soomaaliya oo iminka xaaladeeda soo hagaageyso.

Waxa uu sheegay in aysan is huri karin Soomaali oo ay yihiin dad walaalo, isku diin, isku dhaqan iyo isku luuqad islamarkaana aysan jirin meel ay ku kala hari karaan.

Sheeko uu kaftan ahaan u soo qaatay oo ka tarjumeysay in aysan kala maarmin ayuu ku yiri: " Maalintii ay Shabaab Muqdisho ka bexeen, maalinti ku xigtay ayaan Hargeysa tagay, waxaan kulan la qaatay madaxweynaha iyo golaha wasiirada oo aan u sheegay in Shabaab Muqdisho ka baxeen. Waxa ay iigu jawaabeen, talow xagey qabteen Mahigow? Waxaan ku iri ma aqaan. Ma naga hubtaa in Godane uusan dhankeena u soo socon, ayay i weydiiyeen ileen waa nin Somaliland u dhashaye".

Mahiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri " Waxaa kaloon la yaabay intaan Hargeysa ku sugnaa, waxaan arkay qoxooti Muqdisho iyo meelo ka sii fog-fog ka yimid kuwaas oo lug ku soo galay Somaliland"

Waxa uu sheegay in uu Somaliland ku casuumay shirkii Qaramada Midoobay, balse Golaha Amaanka ay diideen in Somaliland ula kulmaan sida dowlad jirta.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uusan isaga go`aamin karin gooni isu taagga Somaliland oo ay u taalo Qaramada Midoobay, AU iyo dowladda Soomaaliya, balse uu isagu shakhsi ahaan rajeynayo mustaqbalka dhow in uu arko soomaali oo mideysan, caalamkana laga qadariyo.

Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa horaantii sagaashamaadki markii uu dagaalka sokeeye qarxay sheegtay in ay ka go`een Soomaaliya inteeda kale, 20-sano kadibna wali ma jiraan dowlad ama hay`ad aqoonsatay.