Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Golaha Amaanka Oo Cunaqabateeyn Saaray Madaxda Somaaliya

Sunday - October 2, 2011

Nairobi - Xigasho Keydmedia: Qaramadda Midoobay ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in Qaar ka mida siyaasiyiinta iyo hoowlwadeenadda Hay’adaha samafalka Somalia la saaray Cuna-qabateyn la xiriirta dhaqaalaha iyo Socdaalka.

Koox ay hogaaminayaan 8 qof oo ah baarayaal Caalamiya ayaa todobaadkaan bilaabaya baarista la xiriirta shaqsiyaadka musuq-maasuqa hanti lunsiga ku kacay.

Madaxa Kooxda loo xilsaaray inay soo gudbiyaan Liiska shaqsiyaadka ku kacay musuq-maasuqa oo lagu Magacaabo Matt Bryden ayaa yiri " Musuq-maasuqa waa caqabada hor taagan geedi socodka Nabadda Somalia,waxayna rajadu tahay in shaqsiyaad caan ah dhawaan la saaro cunaqabateeyn si xalka Somalia loo helo dawadiisa"

Matt Bryden oo Wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP wuxuu tibaaxay in Musuq-maasuqa ugu badan ku kaceen Madaxda Dowladda Somalia,waliba Wasiiro iyo Saraakiil heysto dhalashada Mareykanka, Ingiriiska iyo Canada.

Liiska cusub ee shaqsiyaadka la xanibi-doono dhaqaalahooda iyo Safaradooda dibadda waxaa ugu muhiimsan:

1.Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas oo heysto dhalashada Mareykanka.
2.Wasiirka Difaaca Xuseen Carab oo heysta dhalashada Mareykanka una dhashay.
3.Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta Cabdinaasir Maxamed Cabdulle oo heysta dhalashadda Mareykanka.
4.Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamud Sheekh Xassan oo heysta dhalashada Canada.
5.Wasiirka Warfaafinta Boostadda iyo Isgaarsiinta Cabdulqaadir Xuseen Maxamed oo heysta dhalashada Ingiriiska.
Mas'uuliyiintaan oo heysata dhalashadda baasabooradda ajnabi waxaa qaab hordhaca Warbixintooda loogu daabacay Associated Press halka Liiska cusub ay ku jiraan:

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ganacsade Xaaji Abukar Cumar Cadaan.

Liiska cusub waxaa ku qoran lix Safiir iyo sedex qunsul kuwaas oo Calaamatu su’aal la saaray, taas oo micnaheedu tahay inay ku jiraan Under Investigation (Baaris).

Liiska waxaa ku qoran Ganacsade Cabduqadir Enow oo lagu hoos qoray Under Investigation Somali American Citizen laakiin Enow baaris ay sameeyeen Wariyeyaal madaxbanaan ayaa lagu xaqiijiyay in Warbixin laga qoray ay been abuur aheyd.

Shaqsiyaadka cusub ee cunaqabateynta la saaray waxaa ku jira qaar ka mida Madaxda Somaliland, Puntland iyo Galmudug, waxaa kale oo ku jira ganacsade, siyaasi lagu magacaabo Cali Xaashi Dhoore.

Warbixinta cusub oo baaris (Follow up) lagu sameeyn doono sedex todobaad waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha shaqsiyaadka ku jira Liiska cusub loo qeybin doono dadka tabaaleeysan ama dib loogu celin doono Hay’adahii bixiyay.