Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

M/weynaha Kilinka Shanaad Cabdi M. Cumar " iley" Oo Markii Ugu Horeysay ka Qayb Galay Shirarka EPRDF

Monday - October 3, 2011

Addis-ababa – Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee ka qayb-gala shir uu yeeshay xisbiga talada dalka Itoobiya gacanta ku haya ee EPRDF.

Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar (ilay) ayaa noqonaya Madaxwaynihii ugu horeeyay ee soo mara kililka Soomalida Itoobiya ee ka mid noqda masuuliyiinta xisbiga EPRDF isla-markaana ka qayb-gala shirarka xisbigaasi ku yeesho Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shirkan Madaxwayne ilay ka qayb-galay oo ahaa shir ay si gaar ah u yeesheen guddida fulinta xisbiga EPRDF ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay sidii xukuumadda Raysal-wasaare Males-Zanewe ay u sii kordhin lahayd horumar la sheegay inuu gaadhsiiyay shucuubta dalkaasi Itoobiya.

 Ka sakow ujeedada shirka iyo nuxurka waxa lagaga wada hadlay arinta ku cusub shacabka dawlad deegaanka Soomaliya Itoobiya ayaa ah in Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu noqdo masuulkii ugu horeeyay ee ka qayb-galla shir guddida fulinta xisbiga EPRDF yeeshaan.

Warbaahinta kililka Soomalida Itoobiya ayaa arintan ku macneeyay inay tahay ama ay sabab u tahay horumarka Madaxwayne Ilay ka sameeyey kililka Soomalida intii uu xilka hayey.

War-baahintu sidoo kale waxa ay sheegtay in arintani ay muujinayso kalsoonida dawlada federaalka Itoobiya ku qabto Madaxwaynaha kililka Somalida, ka dib markii uu waxqabad la taaban karo muujiyey mudada uu xilka hayey, iyagga oo intaa ku daray in Madaxwaynuhu gacan bir ah ku qabtay kooxo ay ugu yeedheen nabad-diid, kuwaas oo mushkilad joogta ah ku hayn ku jiray shacabka Soomalida Itoobiya.