Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xarun Dhismo Ay Ku Shaqeynayeen Wasaaradha Dawlada Qaarkood Oo La Qarxiyey

Tuesday - October 4, 2011

Sida la baahiyey waxaa mar aan fogeyn qarax ka dhacay xarunti hore ee hargaha iyo saamaha, oo mudooyinkaan dambe ahayd xafiisyo ay ku shaqeyaan dhawr wasaaradood oo ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah.

Is-midaamintaan qaraxa oo sida la sheegay ahayd mid aad u xoog badan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo isla markiiba xoog ku jiiray ganjeelada xaruntaas kuna qarxay gudaha xarunta, waxaa la cadeeyey in halkaas ay ku sugnaayeen dhawr wasiir iyo wasiir ku-xigeenada xukuumada iyo shaqaale fara badan oo ka shaqeyayey wasaaradaha xaruntaas ku lahaa xafiisyada, kuwaasoo aan la ogeyn ila hada xaaladooda iyo khasaraaha nafeed ee soo gaaray.

Wararka hordhaca ah ee goobta qaraxa aya sheegaya in guud ahaan uu burburay dhismaha Ex-xaruntii wakaalada hargaha iyo saamaha halkaasoo ay xafiisyo u ahayd 10 wasaaradood oo ka tirsan dowlada KMG Somalia waxaana goobta gaaray isla markaana xiray ciidamo fara badan oo isugu jira AMISOM iyo ciidamo xooga oo ka tirsan dowlada KMG ah ee Somalia.

Wararka ka imaanaya dhinaca isbitaalada wax lagu daaweynaayo ee mogdisho ayaa xaqiijinaya illa iyo hadda inta la hubo ay halkaas ku dhinteen lixdaneeyo halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.