Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ninki Qarxa Ku Halaagay Shacabka Oo Tilmaantiisa Lagu Sheegay Kenyaan

Tuesday - October 4, 2011

Xigasho SomaliRadiyo.net: War goordhow aan ka soo xiganay Somali radiyo Net ayaa lagu sheegay in ninkii ka danbeeyay Qaraxii shacabka lagu laayay maanta uu ahaa Nin Kenyan ah, waxaana warkaa sida ay sheegeen laga xigtay agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka janaraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) oo sheegay in Ninkii fuliyay Qaraxa is-miidaaminta ah ee Ardada lagu laayay uu fuliyay nin u dhashay Dalka Kenya.

" Waxaa qaraxa fuliyay labo Nin mid kamid ahna waxaa uu ahaa Nin Kenyan ah"ayuu yiri agaasimaha oo ka hadlayay xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho ee uu qaraxu kadhacay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowlada KMG C/lahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Qaraxan uu ahaa mid lagu dabar goynayay Bulshada Soomaaliyeed ayna fuliyeen labo Nin oo watay waxyaabaha qarxa.