Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Somaliland Oo Talaabo Ka Qaadeysa Ajnabiga Dalka Ku Haray Iyo Itoobiya Oo Ka Hadashay Arinkaas

Wednesday - October 5, 2011

Hargeysa : Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in dadka ajaanibka sharci-darrada ku jooga dalka ee ku bixi waayey muddadii 30 maalmood ahayd ee loo qabtay oo ku ekayd shalay ay tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono.

Guddiga loo xilsaaray saaridda ajaanibka aan sharciga haysan, ayaa sheegay in qiyaastii 70% dadkii ajaanibka ahaa ku baxeen muddadii loo qabtay, hase ahaatee 30% kale weli ku sugan yihiin gobollada dalka, kuwaas oo ay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono, maadaama ay ka dhego-adaygeen amarkii dawladda ka soo saartay.

Guddigan oo ka kooban masuuliyiinta wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dib-u-dejinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, booliska, xafiiska xuquuqal-insaanka dawladda, dawladda hoose iyo Barasaabka Hargeysa, waxa masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiligu shaki geliyeen hadal dawladda Itoobiya ku sheegtay inay isfaham kala gaaray qaabka loo saarayo dadka dalkeeda u dhashay ee weli aan bixin.

Shir-jaraa’id oo shalay guddigaasi ku qabatay xarunta Wasaaradda Daakhiliga, waxa ugu horreyn ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka Dayib Cismaan Caalin oo ka waramay dadka dalka ka baxay, meelaha ay u kala baxeen iyo kuwa harsan,

“Maanta (shalay) waa maalintii ugu dambaysay ee muddadii aanu u qabanay in dadka sida sharci-darrada ah dalka ku jooga ay iskaga baxaan waddanka, markaa cidii baxday way mahadsan tahay, cidii berri wixii ka dambeeya dalka ku sugan si sharci darro ah waxa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, maadaama ay fulin waayeen amarkii la siiyey wakhtigiina ka faa’iidaysan waayeen, iyada oo aan wax xad-gudub ah loo gaysanayd,” ayuu yiri Wasiirku.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaki ka muujisay war uu sheegay wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Taye Tesfaye oo waraysi uu siiyey wargeyska Geeska Afrika u sheegay sidan; " Muwaaddiniinta reer Itoobiya ee bilaa sharciga ah maadaama ay ka diiwaangashan yihiin jaaliyadaha Itoobiyaanka waxaannu ka codsanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha in muddo la sii diiwaangeliyo, kuwa ganacsiga leh, kuwa ka shaqeeya jaamacadaha iyo haweenka aqalada ka shaqeeya waxa la siiyey aqoonsiga jaaliyadaha Itoobiyaanka ee gobollada dalka ka dhisan, dadka aqoonsigaa haysta waxa la siiyey muddo intay soo dhammaysanayaan baasaboorka iyo fiisaha, maxaa yeelay muddada bishu way ku yar tahay, waxaannuna isfaham ka gaarnay Wasaaradda ay khusayso," ayuu hadalkiisi ku so koobay Taye Tesfaye.