Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Galbeedka Oo Indho Qorto Ku Eegaya Humbaaleynta Qaloocan Ay Madaxda Qadar Ka Wado Dalka Libiya

Wednesday - October 5, 2011

Dipolomaasiyiinta reer galbeedka ayaa si caro ku dheehantahay u saluugay tabcada iyo siyaasadaha hunbaaleynta qaloocan ay ku shaqeyneyso dawlada Qadar oo ay ku dooneyso iney mashruuc muran iyo is afgaran-waa dhex dhigto dawladaha reer Yurub iyo shakhsiyaad Libiyaan ah ay dhinac ula baxday kana mida hogaamiyaasha kacdoonka ka jira liibiya.

Diplomaasiyiintas oo indho Qoroto ku eegaya xag-xagashada siyaasadeed ee ka dhex socota Libiyaanka ayaa yiri dawlada Qadar waxay hor boodeysa talo aan si wada jira looga wada tashan oo khilaafsan is-taraatijiyadi reer galbeedka ay ka lahaayeen Libiya oo Qadar lafteeda wax ka ogeyd jaangooyadiisa , iyagoo intaa si raaciyey in daacad xumida madaxda Qadar iyo sida ay wax u wadaan ay reer galbeedku candhuuftooda iminka dib u liqsan-yihiin.

Waxay yiraahdeen waxaa la isku ogaa in hiil iyo hooba la taageero golaha wadaniga kacdoonka NTC  ee ku meel gaarka libiya, hasa ahaate waxaa muuqata ayey yiraahdeen in dawlada Qadar iyadoo eeganeysa dano gaara ay lugta ku walaaqeyso siyaasadi Liibiya oo halkaas si gaar ula xiratay rag seef la bood ah oo ka soo horjeeda siyaasada iyo maamulka NTC Libiya siiba Raiisal Wasaarha Maxamuud Jibriil oo islaamiyiintu ku tilmaantay Nin reer galbeedku wataan oo ay rabaan iney kabihi ciribtu ka dhamaatay ee Qadaafi u soo galiyaan

Wargeyska Guardian ee isagu ka soo baxa dalka ingiriiska oo xigtay diplomaasiyiinta reer galbeedka ku sugan Caasimada Libiya ee Triboli ayaa tiri in kasto guud ahaan labada dhinac waa galbeedka iyo Qadare ilkaha la isu cadeeyo haddana waxa ay isula imaanayaan ay tahay xarig qolo waliba dhinac ka soo gunuday oo aan la garaneyn kuwa ay la go'i-doonto, waxaana wargeysku xusay in taliyaha hogaaminaya Ciidamada xoreynta magalada Tiripoli mr. Cabdi-karim Blxaaj iyo shiikh Cali Salaabi oo fadhigiisu yahay magaalada Dawxa-Qadar ay hadda si dhaba siyaasad ahaan sutida u hayaan Golaha wadaniga majliska sare libiya iyagoo la yiri waxay ka shidaal qaataan shiikh Qardaawi ee ku qiireysan midnimada iyo jihaadka islaamiga, madaxna ka ah uruka caalamiga ee itixaadka culimada islaamka