Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Boliska Kenya Oo Xirxiray Somaali Lagu Tuhmay Iney Wax Ka Ogaayeen Haweyneydi Faransiska La Afduubay

Friday - October 7, 2011

Nairobi-Xigasho SomaliRadio: Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 7 ruux oo lala xiriirinayo inay wax ka ogaayeen qorshihii lagu afduubtay haweenay Faransiis ah oo dhawaan laga soo qafaashay gudaha dalkaasi.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya Mathew Iteere ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya in dadka la xiray oo 7 ruux gaaraya in looga shakisan yahay inay cawiyeen kooxdii afduubay haweeney Faransiis ah oo 66 sano jir aheyd laguna magacaabo Marie Dedieu waxaana uu xusay in dadka xiran su’aalo uun la waydiinayo.

Taliyuhu waxaa uu xusay inasan suurto gal aheyn in kooxda afduubka gaysatay ay si toos ah u abaartay guri ay haweenaydu daganayd hase ahaatee ay jireen dad la shaqeynayay oo deegaanka ah sida uu hadalka u dhigay. Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira dad daris ah la ahaa haweenayda la qafaashay waxaana warar kale ay sheegayaan in ciidamo boolis Faransiis ah ay ku jiraan ciidamada su’aalaha weydiinaya Warbaahinta dalka Maraykanka qaarkood ayaa qoray warar sheegaya in haweenaydaan la geeyay magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose oo ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Xarakadda Al-Shabab. Dawlada Kenya ayaa afduubkaasi ku eedeysay inay ka dambeeyeen Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.