Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Jeneraalka AMISOM Oo Ku Bishaareeyey Inu Gobola Kale Ka Qabsan-doono Al-Shabaab

Friday - October 7, 2011

Jeneraalka ugu sareya ciidamada AMISOM ee Somaliya ayaa ka dhawaajiyey in ay wadaan hawlgalo lagu qorsheynaayo sidi ay ku qaban-lahaayeen gobolada jubada hoose iyo kuwa dhexaba ee inta badan ay ka taliyaan argagixisada macngaga ee Al-Shabaab.

Maj.General Fred Mugisha oo iminka ku sugan magaalada Nairobi ayaa saxaafada u sheegay in ay Mogdisho kaga awood roonaadeen al-Shabaab, oo ay afka u dhaceen ayna dhawaan u ruqaansan-doonaan xagaa iyo magaalooyin kale ee ay ku xoogan-yihiin Shabaabkaas xadgudbay.

Jeneraalku mar u ka hadlaayey weerarkii tacadiga argagixisada ee doraad Mogdisho ka dhacay laguna beegsaday ardeydi ayuu ka yiri; falkaa shabaab geysatay waxay ku tuseysa in ay cadeyn u tahay in kooxda al-shabaab yihiin kuwa naf-lacaari gagabsan oo daciif ah .. sido kale mar wax laga weydiiyey xiliga ay u dhaqaaqi-doonaan gobolada ay qabanayaan waxuu yiri markii ay noo soo dhamaadaan gurmadka ciidamada aan sugeyno ayaan bilaabi-doona hawlgalada goboladaas lagu qabanaayo oo odorska ku aadan dhamaadka sanadkaan amase horaanta sanadka dambe