Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib Oo Diiday Kala Go'a Somaaliya Oo Ku Soo Laabanaya Hooyigiisi Hooyo

Saturday - October 8, 2011

Hargeysa- Xigasho Waaheen: Siyaasiga reer Somaliland ee dibad wareega la ahaa mabda’a siyaasiga ah ee Somaliweynta ah ayaa la filayaa sida ay warar xalay la sila dhexmarayay sheegayeen in uu dalka dib ugu soo laabanayo maalmaha so socda, hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo sheegaya imaanshihiisa. Jaamac Maxamed Qaalib- Jaamac Yare 

Jaamac Maxamed Qaalib "Jaamac Yare" ayay hore warar ay Warbaahintu baahisay u sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku jiray Socdaalkii uu ku tagay Dalka Shiinaha Cafis u fidiyay, hase yeeshee ilaa wakhtigaa waxa uu ku sii jiray dibed wareegnimadiisii, waxaanay wararka la xiriira Imaanshihiisu sheegayaan in Calaamatu su’aal weyni saaran tahay qaabka uu u imanayo. Warar ka qaarkood ayaa sheegaya in uu ku imanayo Cafis Madaxweyne oo rasmi ah isla markaana Qoraal ah hase yeeshee warar kale oo khilaafsan warkaas ayaa sheegaya Jaamac Yare in uu xukuumadda ka dalbaday in Cafiskiisu uu noqdo mid Af-ka uun ah oo aanu u baahnayn wax qoraal ah. Aarinta danbe ayaa noqonaysa mid Ugub ah haddii laga aqbalay, waxaanay keenaysaa talaabadaasi in uu mar marsiiyo u heli mawqifkiisa sidii ay siyaasiyiin uu isagu ka mid yahay hore u sameeyeen marar ay dalka dib ugu soo laabteen balse ku adkaystay inaanay Cafis ku imane ay dalkoodii yimaadeen.

Warar kale ayaa sheegaya inaanay arrintaas waxba ka jirin oo aanu Jaamac Yare hargeysa imanayn waxaanay ku tilmaameen sifaha uu ku iman karaa oo kaliya inay tahay in uu Cafis Rasmi ah Madaxweynaha soo weydiisto haddii kale aanu cagaha soo dhigi doonin. Si kasta ha ahaatee tuhunka Imaanshaha Jaamac Yare ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo safar uu ugu baxay Gobolada Barrie ee Dalka taasoo loo aanaynayo damaca Jaamac Yare Dalka ku imanayo inay tahay inuu ka faa’iidaysanayo Fursadaas isla markaana uu doonayo inuu khilaaf Dalka ka abuuro.