Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sarkaal Madax ka Ahaa Samafalada Shisheeye Oo Dhawaac U Dhintay Iyo Ganacsade Lagu Dilay Galkacyo

Sunday - October 9, 2011

 Bosaaso: Takhaatiir ka hawlgala Isbitaal ku yaal magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in madaxi ciidamada ilaalada hey'adaha samafalka Maamulka Puntland Mursal Xaaji Saleebaan u maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaal gaalkacyo oo loo keenay in lagu dabiibo dhaawaciisa, kadib markii 3-nin oo hubeysani ay weerar ku soo qaadeen isago ku sugan bartamaha fars magaalaha Bosaaso, waxaana la xiganaya in ragaas mid ka mida la qabtay, kuwi kalena bolisku sheegeen in lagu raad joogo .. sarkaalka Mursal isla maanta ayaa lagu aasaya Qabuuraha magaalada gaalkacyo

Dhinaca kale ciidamada isugu jira degaanka gaalkacyo iyo maamulka Puntland ayaa saaka howlgalo baaritaan ah ka wada magaalada Gaalkacyo dhinaceeda woqooyi iyagoo baadi goob ugu jira kooxo hubeysan oo iyana xalay magaaladaas ku dilay nin ganacsade ah ka dibna baxsaday iyadoo saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen iney howlgaladaas sidey wax u dhaceen ka warbixin-doonaan saacadaha soo socda.