Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Shirkadaha Ingiriiska Hubka Sameeya Iyo Wasaarada Gashandhiga Oo Ka Cabsi Qaba Baaris La Hadal Hayo

Sunday - October 9, 2011

UK-Landon: Sida u qoray wargeyska Sunday Times ee bishaan 9-keedi ka soo baxay cariga Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in dawlada Britishka ay so food saartay culeys sidi ay go'aan uga gaari-lahayd fadeexad la xariirta laaluush" bribery scandal" oo la sheegay iney dhantahay laba billion Pounds, lacgtaaso oo laaluush ahaan lagu helay qandaraas ay wada galeen dawlada sacuudiga iyo shirkadaha hubka iyo isgaarsiinta sameeya dalkaan britishka oo wasaarada Gaashandhiga ay xogogaal ka ahayd.

Mr. Dominic Grieve, oo ah attorney-general, ayaa go'aan ka qaadan-doona haddi u baaris iyo in kale ku sameyn-doono bilyanadaas lacgeed ee lagu eedeynaayo in british defence firm ay laaluush ahaan u siyeen to the saudi royal family oo dabcan hawshaas qandaraaska hubka iyo isgaarsiinta wax ka fudadeeyey 

Sida la filaayo xeer ilaaliya dalka britishka Mr.Grieve ayaa ku dhaqaaqi-doona baarista dambiyadaas la sheegay oo ah in lacgo lagu shubay xisaabaad qarsoodi ah oo ku yaal dalka Zwitzerland controlled by a member of the Saudi royal family iyo bank ku yaal dhinaca Jaziiradaha Keyman oo xisaabaatikiisa aan sharci ahaan la baarikarin

Dawlada Sacuudiga arinkaas wargeysku xusay wax faallo ah kama ay bixin, waxaase la filaya sidi caadada u ahayd iney arimahaas oo kale sidi looga bartay ay hoos hoos dhinacyada dawlada ku dhameeyaan