Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Saraakiil Ka Tirsan Sir-doonka Dawlada KMG Oo La Sheegay Iney Gacan Saar La Leeyihiin Al- Shabaab

Monday - October 10, 2011

Muqdisho - Saraakiil ka tirsan sirdoonka dawladda Sheekh Shariif, ayaa la sheegay inay xidhiidh dhow oo wada-shaqayneed la leeyihiin kooxda Al-shabaab, arrintaas oo sababtay in dagaalyahannada Shabaab si dhib yar u qarxiyaan ama weerarro uga fuliyaan goobo muhiim ah oo ka mid ah xarumaha dawladda iyo hoteelada xafladaha lagu dhigo ee ku yaal gudaha magaalada Muqdisho.

Sida lagu faafiyey xalay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, gaar ahaan shabakadda wararka ee Shabelle.net, waxa la sheegay in masuuliyiinta sirdoonka dawladda Sheekh Shariif ka tirsan ay si weyn ula shaqeeyaan Al-shabaab, una fududeeyaan arrimo badan oo muhiim ah hawlgallada naftood hurayaasha Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Masuul sare oo madax ka ahaa mid ka mid ah deegaannada Al-shabaab maamusho oo la sheegay inuu xilligan qaxootinimo isaga dhiibay dal ku yaal qaaradda Yurub, ayaa warbaahinta u sheegay xiriir xooggani ka dhexeeyo sirdoonka dawladda iyo kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in qaraxyadii ka dhacay xarumaha dawladda ee dadka badan ku dhinteen iyo qaraxii ka dhacay hoteelka Shaamaw ay fudayntiisa la haayeen saarakiil sirdoonka ka tirsan oo xog badan siiyey Al-shabaab.

Sarkaal hore uga tirsanaa kooxda Al-shabaab oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sababo dhinaca ammaankiisa ah oo isaguna faahfaahin ka bixiyey sababaha uu markii hore ugu biiray Al-shabaab iyo waxa kelifay inuu xilligan ka baxsado, isla markaana qaxootinimo isugu dhiibo dalalka Yurub ah, ayaa xusay inuu adkeysan waayey hab dhaqanka Al-shabaab oo uu tilmaamay inuu ka fog yahay islaamka, wuxuuna sheegay in dulmi lagu hayo qaar ka mid ah qabiilooyinka ku hoos nool degaannada Al-shabab xukunto, isla markaana aargudasho ka socoto.