Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al-Shabaab Oo Dagaaladi U Isticmaalay Xeelado Cusub

Tuesday - October 11, 2011

Inkasto weeraro culus oo ay barbar socdeen duqeyn culus ay shalay ka dhaceen magaalada Moqdisho oo ciidamadi dowladda kula wareegtay goobo badan ayaa waxay maleeshiyada Al-shabaab dagaalkii shalay u isticmaleen xeelad cusub oo ay askar badan dhinaca dawlada ugu dhinteen.
Sida warku sheegayo gaadiid iyo qoryo ay miinooyin ku xireen ciidamada Al-shabaab oo ay uga tageen goobihii laga qabsaday oo ay ciidamada dowladda isku dayeen inay qaataan ayey kula qarxeen, waxaana la sheegay in halkaas 12 ka mid ah ciidamada dowlada ay ku dhinteen qaraxa hore.

Sidoo kale qori nooca Daba-jeexa oo ay miino ku xireen maleeshiyada Al-shabaab, isla markaasna ay uga tageen fariisimadii lagala wareegay ayaa isna waxaa ku dhintay tiro kale oo ciidamo oo doonayey inay qorigaasi qaataan, taas oo keentay in gaadiid ay ka tageen Xarakada Al-shabaab laga cabsaday in la furo amaba loo dhawaado, waxaana isku hareereeyay ciidamada AMISOM oo sheegay inay baarayaan baabuurtaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ilaa xalay waxay magaalada Muqdisho soo geliyeen gurmadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay in markii ay magaalada soo galeen, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Jawhar iyo Marka.

Gurmadka u yimid Al-shabaab ayaa hakiyey xawaarihii ay ku socdeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda laga soo saaray fariisin ay ka sameysteen Qabuuraha Barakaad iyo Jaamacadda Muqdisho oo ay shalay qabsadeen, inkastoo sarkaal ka tirsan dowladda KMG uu sheegay inay si iskood ah uga soo baxeen halkaasi, dagaalna aan looga soo saarin.