Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wasiir Ka Tirsan Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diraya Puntland

Wednesday - October 12, 2011

Ceerigabo - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa digniin hanjabaad ah u diray maamul-gobolkeedka Soomaaliyeed ee Puntland oo dhawaan ka digay safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku tagay degaamada Tuka-raq iyo Gabara ee bariga Sool.

Wasiir Xaabsade oo ka mid ah xubnaha weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee Ceerigaabo ku sugan, ayaa hadal uu ka jeediyey fagaaraha Beerta Xorriyada magaaladaasi waxa uu ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Puntland mid aan macno lahayn, isagoo ugu hanjabay in Somaliland meel halkaasi ka fog gaari doonto.

waxuu yiri Ragga Puntland ka hadlay ee yiri sidee Axmed silaanyo u yimi Laascaanood waa iska hadal waxaan leeyahay ayuu yir Faanoole fari kama qodna madaxweynuhuna isagaa halkaas nagu horfadhiya oo nagu haya’e waxaannu gaaraynaa Yoocada, waxaannan ninkii wax tuurtuurayow kuugu ballanqaadayaa markaad dhagax yar nagu soo tuurto inaannu adiga ku dhaafno, ayuu yiri Xaabsade oo afka abur ka si deynaya

Xaabsade waxuu ka hadlay sidi looga saaray reer Puntland magaalada Laascaanood,iyo jabkii ka soo gaaray oo waqti yar qaadatay, oo iminkana yiri somaaliland xad bey leedahay sidi horay awlba u lahayd.