Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Koox Hubeysan Oo Xalay Ku Dilay Nin Ganacsada Ah Degmada Balcad Ee Gobolka Jawhar

Tuesday - November 29, 2011

Muqdisho:-Koox dablay ah oo hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku dileen degaanka Ceel-Geelle oo ka tirsan degmada Balcad nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay degmada Balcad , ganacsadaha la dilay ayaa waxaa magaciisa la oran jiray Ooyaaye Sheekh Cali  ilaa hadda ma cadda sababaha loo dilay ganacsadahaan iyo cid fulisay dilka.

Degmada Balcad ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-shabaab oo iyagu in mudo ah ka talinayey ilaa iyo intii ay burbureen ururkii Maxkamadah Islaamiga oo iyagu gacanta ku hayey degmada Balcad iyo gobolka Sh.dhexe.

Ehelada ganacsadaha la dilay oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka ganacsade Ooyaaye Shiikh Cali iyagoo dilkaas ku tilmaamay mid laga xumaado, ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta ururka Al-shabaab oo iyagu gacanta ku haya degmada Balcad balse waxaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ay ka hadlaan dilka foosha xun ee lagula kacay ganacsade Ooyaaye Sheekh Cali.

Wixii war ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa insha Allaahu .... By A/cawaale