Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Dawlada Israaiil Oo Ka Fajacsan Akhwaanka Iyo Salafiyiinta Ee Ku Si Gurguuranaaya Awoodi Dalka Masar

Sunday - December 4, 2011

Israail-telaviv: War ay soo xigatay wargeys ka soo baxa cariga israiil ee la yiraahdo Yadacuut Ahranuut ayaa sheegtay in wasiirka difaaca yahuuda mr.Yahud Barak u daboolka ka qaaday inu dawladiisa indha-qorato ku eegayaan la yaabka xaaladaha ka soo cusboonaaday dalka Masar gaar ahaan natijada doorashada halkaas ka socota ee kooxaha musllimiinta ay muuqato in ay iyagu afar-qaad orod ku macaashayan

Wasiirka ayaa inta raaciyey oo yiri talo tagoogteeda baa lagu tukuba oo xaalad kasta socota waxay  nooga beegantahay ka dawlad ahaan inaan u abbaarno, sidaa daraadeed ayuu wasiirka yiri waxaan odoroseynaa in xiriir wanaagi hore Masaarida gaar ahaan xiligi madaxweyne Xusni Mubaark iyo dalkaan israaiil u wax iska badali-doono ma daama ay xisbiga Akhwaanka garabkiisa al-xuriya wal-Cadaala ay awoodi xukunka la wareegi-doonaan, isla markaana xisbiga al-Nuur ee salafiga fog u isaguna hormood ka naqondoono siyaasada dalkaas, taaso la dihi karo waa Quraan-jooy ku quuso iyo candhuufto dib loo liqo .. sidaa daraadeed ayaa wasiirka hadalkiisa ku celceliyey in dawlada israaiil ay siyaasadi iyo xirirki ay la lahayd dalka Masar ay dib uga fiirsan-doonaan.