Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Akhwaanki Masar Wax Doorashadi Ku Loodiya La Waayey.. Israiil Oo Si Fiican Indhaha U Kala Qaaday

Saturday - December 24, 2011

Sida ay qoreen wargesyada ka soo baxa dalka israaiil iyo gaar ahaan wargeyska afka dheer ee la yiraahdo Haraatez ee dalkaas ayaa si himo jab ah uga hadashay khaladki sahan ee xukumada Israiil ay indhaha isaga soo riday odoroski doorashada ka socota dalkaas Masar oo ay u qaateen in shacabka Masar aysan aqbali-doonin xukumad salka ku haysa diin, amase ugu yaraan  Jeneraalada Masar ay sandule ku noqon-doonto iney dufaantaas ka hortagaan, waxaase markaan u soo baxday in la iska daba yimid oo akhwaanki soo goosteen xariga, gidaarkiina soo jabiyeen, oo uu si firanayaan hanashada taladi dalka, taasna waxay keentay in masuullinti israaiil awalba iska indha tiraayey dabeysha socota ay siyaasadoodi dib ugu noqdaan oo dantu biday iney kuwa galka seefta uga baxsantahay ee islaamiyiinta ay ka dalbaan wada xaajood.

Sidaa Awgeed madaxda israaiil iyagoo ka ambaqaadaya saadaashaas ay ku khal-khaleen waxay markaan safiirkooda Masar u jooga Mr.Yacqub Amity ay si karkabo ah amar ku siisay in si kastaba ay noqotaba u lobby-gareeyo sidi loo furi lahaa wada-hadal dhex mara hogaamiyaasha akhwaanka iyo kuwa Salafiyiintaba oo loogu gogol-xaaro arimaha labada dal ee xasaasiga ..madaxda Akhwaanka ayaa hore u cadeeyey ineysan dan ka lahayn si xoojinta cilaaqaadkaas dhalanteedka markiisi hore ku yimi, hasa ahaate heshiiski nabada israaiil iyo Masar aysan waxba ka qabin inu sii jiro waloow ay warkoodaas ku cadeeyeen in qodobada qaarkood ay haboontahay in dib looga hadlo, sido kale wadaadada Xisbiga Al-Nuur ee salafiga fog ayaa iyaguna yiri: qoorta ma dhibaneyno sidi Xusni Mubaarak ee haddey hadal rabaan israaiilintu ha u tagaan wasaarada arimaha dibada Masar, waxayna cadeeyeen ineysan ka aamusi-doonin qadiyada xaqa ee Falstiin  .

dhinaca kale wargeyska Haraatz ayaa sheegay in safiirkii israaiil horay u joogi jiray dalka Masar ee la oran jiray Mr.isxaaq Livanof u horay dawladiisu ku wargaliyey in sida ay ku socoto xaalada Masar ay tahay mid ku dhici-doonta gacanta islaamiyiinta oo u isla markaa dawladiisa ka codsaday in loo soo ogolaado xariir u la sameeyo wadaadadaas, hasa ahaate arintaa dawladiisa wey ka hortimi, waxayna ku yiraahdeen lama xariiri-kartid Akhwaanka iyo wixi la halmaala

Wargeyska ayaa intaa ku daray oo yiri horay sanadki 2005 ayey akhwaanka waxaa la arkay dorashadi oo ay si xoog ugu liibaanayaan hasa ahaate madaxweynihi mareykanka G.W. Bush ayaa yiri Akhwaan muslimiinta meel ay dadka iyo dalka u wadaan ma jirto,sidaa darteed u ku amray  madaxweynihi hore Xusni Mubaarak inu doorashadaas karash-gareyo oo dabadeed sidaas ayaa akhwaanki waqtigaas xaquuqdooda lagu duudsiiyey, hasa ahaate Madaxweyne Obama ayaa markaan ku amaray Xusni mubaarka inu aqbalo kacdoonaka shacbiga reer Masar is kana tago, taaso madaxda israaiil ay aad uga gilgilatay laakiin u shaqeyn-weyday