Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shariifyadi Iyo Faroole Oo Is Ku Mari La' Qaabkii Loo Duudsin-lahaa Xuquuqda Shacabka

Saturday - December 24, 2011

Garowe: Wararka ka soo baxaya shirka lagu sheegay wadatashiga Soomaalida ee magaalada Garowe ayaa la yiri waxuu maraya gabagbadiisi, hasa ahate arimaha qaarkood la isku mari-la'yahay gaar ahaan qodobo la xariira qaybsiga talada

Shiirkaan oo ah wajigi labaad kana socday Magaalada Garowe mudo sadex maamood ah kuna socday si feer iyo haraati ah ayaa hadda ku socda in la soo afjaro oo laga soo saaro qodobadi war-murtiyeedka, hase yeeshee warka ayaa intaa raacinaya in qodobada la isku qabtay ay sababi karaan in shirka lagu kala dareero, waxaana ka mida qodobada la isku mari la'yahay qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka ka kooban 250-Mudane.

Dhinaca kale Dowladda KMG ah iyo maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa iyagu qaba in Baarlamaanka cusub lagu soo xulo qaabka 4.5-ka, halka Cabdiraxmaan Faroole iyo Puntland ay ku dhagan-yihiin in lagu soo xulo qaabka degmooyinka dalka.

Isla markaa waxaa so shaac baxaday in iyana si weyn la isugu khilaafsan-yahay qaab qeybsiga Dowladda cusub ee la soo dhisi-doono, iyadoona dhammanba afarta qeybood ee shirka ka qeyb gelaya ay ku kala aragti duwanaadeen habka wax qaybsiga, gaar ahaan saami qeybsiga kheyraadka dalka.

Waxaa la sheegay in Ergeyga QM Ambassador Mahiga u shalay gelinkii dambe ka dhoofay magaalada Garowe iyo xagaa Adisababa, waxaana la sheegay inu caro iyo saluug ka qaaday shirkaas wejigisa labaad