Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ugu Dambeyn Waa Lagu Heshiiyey Qodabadi La Isku Mari-waayey Waana La Saxiixay

Saturday - December 24, 2011

Garowe: Xigasho Somaliweyn - Shirkii wadatashiga dhinacyada Soomaalida ee ka socday magaalada Garoowe ee Puntland ayaa lasoo gabgabeeyay goor-dhow, iyadoo madaxdii shirkaas ka qaybgalay ay isku raaceen in naidaamka 4.5-ka lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka soo socda.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ay dhinacyadu ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xubnaha baarlamaanka cusub ay noqdaan 225-xildhibaan, waxaana xafladda laga sheegay in baarlamaanka lagu saleynayo nidaamka awood-qaybsiga beeleed uu shaqeynayo muddo afar sano ah, kaddibna lasoo dooranayo mudanayaal cusub oo ku dhisan habka deegaanka.

Shirkan oo lagu waday in shalay la soo gabgabeeyo ayaa waxaa hakad geliyay muran ka dhashay qaabka xulidda mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo Puntland ay soo jeedisay in lagu soo xulo qaab deegaan, halka DKMG, Galmudug iyo Ahlusunna ay iyaguna soo-jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5-ka oo ay ku dhisan tahay dowladda KMG ah.

Madaxda Soomaalida ayaa la sheegay inay isku raaceen in la dhiso baarlamaan shaqeynaya muddo afar sano ah kaasoo lagu soo xulayo nidaamka 4.5-ka ah, muddadaas kaddibna ay dadku soo dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo Puntland oo nidaamkan kasoo horjeedday lagu qanciyay inay ku raado dhinacyada kale.

Gabagabadii xafladda waxaa ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo labaduba sheegay in shirku uu guul ku dhammaaday. hasa ahaate Madaxweyne C/ramaan Faroole oo hadal jeediyay ayaa sheegay in isagu uusan ku qanacsanayn nidaamka 4.5-ka tan iyo markii la keenay haddana uusan ogoleyn balse markii la tanaasuli waayay uu isagu go'aansaday inuu tanaasulo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo isaguna xaflada gabgabada ah ka hadlay ayaa sheegay in shirka uu ku dhammaaday guul, waxyaabihii la filayaynaay kasoo baxeen lana gudo-galayo fulintiisa. Sidoo kale Sheekh Shariif wuxuu mahad u celiyay shacabka Puntland.

Sheekh Shariif kama uusan hadlin muranka siyaasadeed ee hareeyay shirka, walow uu mararka qaarkood xusayay in la isku daahay taasna xal laga gaaray, iyadoo lasoo gaabiyay khudbadihii la filyay in laga jeediyo shirka.

Wafuudi shirka kasoo qeygashay ayaa isla galabta waxey ka kicitimeen magaalada Garowe iyagoo ukala jiheestay magaalooyinki ay ka kala yimideen ee Nairobi iyo Muqdisho.