Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Gor-Gorkii Bishaar Asad Oo Markaan Xil La'aan La Hinganaya Ayaa La Filaya Inu Moskow Maylka U Tiriyo

Sunday - December 25, 2011

Waxaa jira warar dhawaana-haanba ay isla dhex jibaaxayaan dipolmaasiyiinta reer galbeedka oo ay si male ku sheegayaan in dawlada Ruushka ay wado abaabul waji ku macaash ay ku dooneyso iney cod ku hesho sidi xal looga gaari-lahaa shaqaaqada qaska iyo buuqa ka jirta cariga Suuriya .. inkasto qorshaas aan weli dawlada Raashku daboolka ka qaaden hadana waxaa la sheegaya in ay ku talineyso in ku xigeenka madaxweynaha Siiriya Mr. Faaruq Sharac oo isagu isir ahaan Suni ah u sii qabto xilki uu hayo madaxweynahe Bishaar Asad illa laga gaarayo waqti loo cayimo doorasho dalkaas ka dhacda, isla markaana Bishaar u si karantiil ahayn xashaash ah ugu noolaado dalka Ruushka

Warka aya intaa raacinaya in ku xigeenka Suuriya Mr Faaruuq Sharac u dhawaan socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalda Moskow oo u halkaas saacdo badan ay afka iskula jireen wasiir khaarijiyaha  Ruushka Mr.Sergey Lafaroof, hasa ahaate warkaas dhinaca Ruushku mar wax laga weydiiyey wey ka gaabsatay oo may oran haa iyo maya midkoodba.

Dipolomaasiyiinta ayaa carbka ku dhuftay in beryahaan dambaba illa mudo loo la'aa cid wax istaarta oo haddi fikirkaan Ruushka ay ka dhabeyaan,waxaa la filaya ayey yiraahdeen in Maamulka Madaxweyne Obama u fikirkaan soo dhaweyn-doonaan ma daama danta Mareykanka iyo xulufadiisa ay haraad u qabaan in Bishaar Asad Meesha ka baxo oo dabadeed dalku qas ka bixi-waayo.

Isbahaysiga mucaaradka Siiriya oo sida la sheego weli jaaha-warersan kuna tiirsan reer galbeedka ayaa iyagu dhinacooda ka hadlay qorshahaas Ruushka laga sharqamiyey oo ku sheegeen in xaalku yahay is-madhaantiyo dhasheed oo arintaas ay tahay waa ka daro dibi dhal waxayna warkooda raaciyeen in Madaxwene ku-xigeenka Mr.Faaruq Sharac u yahay nin xaasad ah oo umada reer Suuriya dab kala dhex dhigaaya, laakiin Ruushka oo marar badan idaacadaha ka baahiya wararka iyo waxa ka taagan Suuriya isagoo la hadlaya mucaaradka dalkaas ayuu ku waaniya in miyir wixi lagu waayo aan is waal lagu heleyn oo ay ka xaroobaan dacaayadaha raqiiska miciinka la moodaayo .. Waxay kalo ku baaqeen waa Ruushke: in weli xaaladu faraha ka bixin weli waxay joogta heer la daba-qabankaro oo ay gudboontahay in dalka la badbaadiyo ee ha la joojiyo luqada dhiilada iyo kuwa dibada ka nac-nac leh ee baaqoodu yahay "aniga ama duufaanta"