Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Somaliland Oo Joojisay Ganacsi Qarsoodi Ah Oo Magaca Itoobiya Dekada Berbera Lagala Soo Dagi-jiray

Tuesday - December 27, 2011

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa toddobaadkii hore joojisay Ganacsi Qarsoodi ahaa oo ay Ganacsato Itoobiyaan iyo Somali ahi ay Dekedda Berbera kaga soo dajin jireen Alaabo ay ku hoos qarin jireen Heshiiska Somaliland, Itoobiya iyo EU-du ku wada jiraan ee ahaa in Mucaawinooyinka Itoobiya loo wado cashuur la’aan ay ku maraan (Transit), kagana soo degaan Dekedda Berbera.

Talaabadan ay Somaliland qaaday ee ay ku joojisay Ganacsigaasi ayaa ay ogaatay dhawaan ka dib markii cabashooyin ay kaga yimaadeen dhinaca Ganacsatada Somaliland kuwaas oo ay kaga jabnaatay Badeecadaha ay kooxahani uga faa’iidaysan jireen magaca Itoobiya ee bilaa cashuurta ah.

Badeecadaha ay Ganacsatadani Cashuur la’aanta kaga gudbin jireen Somaliland ayaa la sheegay inay ugu badnaayeen gaadiidka oo ugu badan Bucsharadaha ay Itoobiyaanku aad uga iibsan jireen Somaliland balse intii ay fursadan heleen iyaga iyo Ganacsato Somali ah oo ku shuraakoobay ay toos ugala soo degi jireen Dekedda Berbera.

Marka laga yimaado dhibaatada ay arrintani ku haysay Ganacsatada Somaliland waxa Xukuumadda Somaliland kaga lumay Malaayiin cashuur ah oo ka soo gali lahaa Alaabadaasi lagu dhaafin jiray TRANSIT-ka ee lagu hoos qarin jiray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo ah mid xili ku kooban balse kani uu ahaa mid joogto ah oo maalin walba lagula bixi jiray alaabadaasi.