Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Dawlada Ethiopia Oo Shaqada Ka Fariisisay 303 Sarkaal Oo Ay Ku Jiraan 13 General

Wednesday - December 28, 2011

Addis Ababa -Wasiirka Gaashaandhiga ee Ethiopia Mr.Siraj Fegessa, ayaa ku dhawaaqay in 13    General iyo 303 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka difaaca Ethiopia si rasmi ah looga fariisiyey shaqada ciidanka.

Mr.Siraj ayaa hadalkan ka jeediyey maruu warbixin siinayey baarlamaanka dawladda dhexe ee Ethopia isagaoo tilmaamay ina y tani qeyb ka tahay qorshe ay dawladda ku dooneyso in hawlgab lagaga dhigo tiro dhan 561 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee ciidamada qalabka sida ee Ethiopia. .. Sida uu sheegay Siraj, qorshahan ayaa ka koobnaan doona saddex waji oo is-xig-xiga, waxaana la soo gabagabeyn doonaa inta lagu guda jiro sanndkan.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay heeganka ay ciidamadu kaga jiraan xuduudaha uu wadankiisu la wadaago dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxuna intaa si raacshay oo yiri: waxaanu xoojineynaa aagga labada dhinac ee xadka Etheiopia la wadaagto Soomaaliya, iyo kan lala wadaago dhinaca Eritrea oo heegan sare la galiyey, iyada laga cabsi qabo weeraro kaga yimaado wadankaas cadawga la yahay ee Eritrea.

Mr Siraj ayaa isla markaa sheegay in dawladdu ay diyaarisay lacag  gaar ah oo loogu talagalay Genralada iyo saraakiisha laga fariisinayo shaqada ciidanka.

Sida uu sheegay Siraj, waxa ay dawladda hadda haysataa 50 Genela, waxaana la doonayaa in guud ahaan saraakiisha la kala hufo, si hogaanka sare ee ciidanka ay uga dhex-muuqdaan dhammaan qowmiyadaha wada dega ee sagaalka deegaan iyo labada ismaamul Magaalo ee dalka Ethiopia.

Saraakiisha Shaqada laga fariisiyey waxaa weheliyey boqolaal korneeyllo ah, waxaana taas ay noqonaysaa shaqo ka fariisinti ugu horeysay ee nooceeda ah oo ay sameyso dawladda uu hogaanka u hayo xisbiga EPRDF tan iyo intii ay talada dalka  Ethiopia la wareegtay sanadki 1991.