Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Cali Cabdalihi La Qooqi-Jiray USA Oo Visadi Dalkooda U Diiday Iyo Isago Loogu Baaqay Inu Tahriibo

Wednesday - December 28, 2011

Washinton: Guriga Cad ee Mareykanka ayaa weli go'aan cad ka gaarin codsigi Madaxweynihi Mr.Cali Cabdalla Saalax u doonaayo inu ku tago cariga Mareykanka si halkaas isugu soo daaweeyo, hasa ahaate war u sheegay Nin gacan yare u ah afhayeenka guriga Cad ayaa mar afka ku dhuftay iney suuragal tahay in loo ogolaado viso dal ku gal u dalkaas ku gaaro, hasa ahaate  Madaxa afhayeenka la yiraahdo Josh Arnest oo iminka safarka madaxweyne Obaama kula joogo gobolka Hanululu ayaa yiri warka la sheegay ee Cali Cabdala Iyo Visadiisa waxba kama jiraan, laakiinse ay dawladu weli darseyso codsigaas uga yimi Cali Cabdalla.

Madxweyne Cali Cabdalla oo kabihi cirbaha uga dhamaadeen sidu kursiga madaxtinimada ku si haysan-lahaa ayaa ugu dambeyn si qoor qabasho ah xilki loogu ekeeysiyey 23 Feb/2012 waqtigaaso ay dalka Yamana ay ka dhaceyso doorasho loogu tartamaayo jago madaxweyne ayaa iminka doonaaya inu dalka uga baxo waji caafimaad oo uu booqdo Mareykanka, hasa ahaate Maamulka  Mareykanka u madax ka yahay Barack Obama ayaa ka baqaya in haddi u siiyo Cali Cabdalka Viso u ku galo dalkaas ay hay'adaha u dooda xaquuqa aadamaha ay uga timaado cambaareyn ma daama Cali Saalax lagu eedeeyo inu shacabka Yamanta ee mudaaharaadka uga soo horjeenstay u dagaal ku jeheeyey una geystay jab iyo hoog aan yareyn.

Shacabka Yaman ee ku nool waqooyiga Ameerika iyagoo Qosolka "Nuktada" u dhiibaya Cali Cabdalle ayey baaq talo ah u direen ay ku leeyihiin "Cali Cabdallow nacas hadal kuma duxo oo si aad ku hesho Viso hadal iyo hardiba kaa dhamaade, saaxiibadaadi hore sidi hore ha moodin oo Mareykan run sheeg ma aha,himbiriirsi-gaaguna arag ma aha, mana aha halka dantu ku jirto in laga xishoodo balse haddi aad Mareyekan sidaas u caashaqsantahay maad weydiisto gacal sokeyaha dhallinyarada Somaali oo ku siineysa tilmaan,waayo-aragnimo iyo sidaad tahriib ahaan ugu tagi-lahayd Ameerika iyagoo weliba kaa galinaya dhinaca Mexico halkaaso farsamo ahaan adigoon ku hafan ay ku raacsin-doonaan tuubooyinka bullaacadaha xaarka iyo waskhda qaada oo dabadeed halkaas iyo Ameerika ka fadkudiso adigoo leh victory.