Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Israil Oo Haruub U Tolaneysa In Magdhaw Laga Siiyo Xanuunki Yahuuda Loo Geystay Zamanki Nabi Maxamed

Thursday - December 29, 2011

Tela Abiib: Si lama filaan ah ayaa dawlada israaiil ugu xayd-xaydatay barnaamij loogu magac daray mag-dhaw iyo wixi ku dhacay reer bani israaiil ee guldaro hoog loo geystay oo ay ka dooneyso guud ahaan dawladaha Carabta iyadoo ku tala gashay iney si dhaqso ah arintaas u horgeyso barlamaanka dalkaas israaiil si looga xaajoodo taaba galinta mashrucaas mag-dhawga. 

Sida la sheegay mashruucaas diyaarintiisa waxaa dawladu si gaara ugu xil saartay jamacadaha waaweyn ee dalkaas ku yaala sida jaamcada Telabiib iyo Quds, mashruucaas oo sida la sheegay dabagalka baaristiisa lagu bixiyey lacag gaareysa illa 100 Malyan oo Doolar, waxaana la sheegay in qaan-sheegatka loo kala qaybiyey laba "categories" oo grupka hore la yiri waxaa ugu horeysa dawladaha kala ah Masar, Lubnaan, Urdun,Suuriya, Ciraaq,Libiya, Aljeeriya,Tuunis, Muritaanya iyo dalka Baxreyn, waxaana lagu qiyaasay dadka Yahuuda ee dalalkaas ku waxyeeloobay tiro ahaan  iney gaarayaan illa 850kun oo Qof, qiima ahaan magtooda noqoneysa iyaga iyo wixi laga dhacay  300 milyaardi Dollar.

Qaybta kale ee iyagana magta laga rabo waxaa ugu horeysa dalka Sacuudiga oo lagu Oogaayo dacwad la xariirta sidi birta loogu aslay qoomki Yahuuda ee qoysna laga arag xiligi Nabai Maxamed SCW oo ay isla markaa ku andacoonayaan in wixii hanti ay lahaayeena la qaatay,sidaa daraadeed  magta qaan-sheegadka waxaa boqortooyada Sacuudiga looga doonaya iney bixiyaan lacag gaareysa 100 milyaardi oo Doolar .. isla markaa sida ay sheegeen israaiiliinta waxaa liiska magta kuwa laga rabo ku jira dawlada iiraan oo la doonaayo iney mag ahaan u bixiso 100 milyaard oo Dolar, waxaana lagu eedeynaya in dadkii yahuuda ee carigeeda ku noola aan illa iyo hadda la garaneyn cirib iyo jaan meel ay ku dambeeyeen

Warka ayaa intaa ku daraya in male ahaan sida la qabo in qorshahaas dawlada israiil soo bandhigiisa la beegsan-doonto waqtiga ay dhic-doonaan miiska wadahadalka maamulka falastiniyiinta iyo israaiiliyiinta, waxayna israaiilintu istraatijiyad ahaan qodobkaas magdhawga u isticmaali-doonta iney ku xirto amase ku xujeyso markii carabtu gar ugu dhigato qodobka soo noqoshada Qaxootiga Falastiin iyo xaal marinta dulmiga loo geystay..