Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Happy New Year ..Waan Ku Haybi-naynee ilaahay Ha Kaa Dhigo Hogol Da'ysiyo Habeen Dhalad Barwaaqo

Saturday - December 31, 2011

Anagoo ah bahda Galdogob Times waxaan ummada Somaaliyeed meel-kastaba ay ka joogto dunida dacaladeeda, sanadka cusub ee 2012 ugu hambalyey-neyna in alle dhamaanteen na siiyo hurumar,caafimaad oo wixi nabad galyo xumo iyo balaayada guusha bulshada neceb alle naga kor qaado .. waxaan Alle ka baryeynaa in wixii danteena ah meel uga soo wada jeensano .. ilaah ha gar gaaro Somaali oo ha ka qabto cadwegeeda u soo huwada dhar islaam, kuwa dhallinyarada u akhriya Quraan dhurwaa siyaabo kale duwan loogu micneeyey oo isugu dhex daraya sharci shuuci, mid muslim, iyo mid kiristaan oo dabadeed loo barxo maandooriye damqashada ka bi'iya si Qoriga iyo Qaraxa xaq u moodo.

Waxan halkaaan idin ku soo gudbinaya heesti caanka ahayd oo u qaado hesaaga weyn Maxamed Saleebaan Tubeec oo aan marnaba laga xiiso dhacin sanadkiina mar na soo marta waana tan:

1- Sanad weliba hoodiyo, hawliyo dhibaatiyo,
    balaayadda huraysiyo, wuxu hadimo lee-yahay,
    waa laga helaayoo, hadhaw lagu xasuustaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han weyn yahay.


2- Waan ku haybi-naynee, ilaahay ha kaa dhigo,
     adna hogol daÂ’aysiyo, habeen dhalad barwaaqee,
     nimco la harsan dooniyo, cawo lagu hesiiyo leh,
Kii noo hagaagee, noqo loo han weyn yahay.

3- Qaar kaa horeeyoo, hodanaa na dhaafee,
     halkii loogu mahad naqay, ka habaabi-mayside,
     Kuwa haray-na dabadaa, waa la hubsan doonaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han weyn yahay,

4-  Waa halis aduun-yaddu, hoosiis wareegoo,
     Hir markii la gaara-ba, ku kalaa hilaacee,
     Nin-ba wuxu ku haystaaba, waa lagu hamiyayaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han weyn yahay.