Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Daraawiishti Dhulbahante Oo Maanta Ka Shiraysa Samata-Bixinta Hagardaamadi Ku Habsatay 20kii Sano

Sunday - January 1, 2012

Taleex: Wararka sida is daba jooga uga soo burqanaya magaalada taariikhiga ee degmada Talex ayaa sheegaya in eregooyinki dhulbahante ee ka soo qayb galayey shirka la magac baxay khaatuumo 2 ay halkaas intoodi badneyd soo wada gaareen iyagoo ka kala yimi daafaha caalamka iyo gaar ahaan ergadi Buuhoodle oo ay ka mid ahayeen Garaad C/laahi Garaad Sofe iyo Garaad Salebaan Aw-adan oo ku biiray shirkaas Khaatumo 2, waxaana la sheegay in shirkaas loo dajiyey qaacido iyo barnaamij khatar ah oo u ku guuleysto.

Sida warku sheegaayo waxa Magaalada Taleex ergedaas ku soo dhaweeyay Siyaasiyiinta iyo gudiyada shirkaasi soo abaabushay sida G6,G16, NSUM iyo SSC ee halkaasi ku sugan, kuwaasoo ku qaabilay hadalo soo jiidasho ka muuqata oo ay ugu gacan haadinayaan dhamaanba dadka beelaha Dhulbahante ee aan wali shirkaasi ka soo xaadirin, waxaana warku intaa ku daraya in shacabka reer dhulbahante ay maanta diyar u yihiin is-badal iyo sidi ay u dhisan lahaayeen maamul u gaara oo ku yimaada wada tashi iyo midnimo iyo maskax ka madax banaan aragti dadka leeyihiin.

Mr.Cali Khalif Galeyr oo ka mida ergada shirka u yimi ayaa ugu baaqay ergooyinka Khaatumo 2 in Ninkii Talo Dhulbahante doonaya u ku soo dhawaado shirkaan oo looga baahanyahay mawqifkiisa kaga aadan is-badal-doonka loo hanqaltaagayo  

Sida la ogyahay Reer Buuhoodle ayaa hore rajo aan wanaagsanayn ka qabay shirkan, isla markaana madax dhaqameed-yadoodu ka cago-jiidayeen inay tagaan taleex, balse talaabadan hada ay ku yimaadeen shirka iyo hadalkooda cad cad ayaa u muuqata mid wax weyn ka bedeshay Mawqifkii hore ee Reer Buuhoodle ka aamin-sanaayeen Shirkaasi.

Dhinaca kale wasiirka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo isir ahaan ka soo jeeda beesha dhulbahante ayaa u yeeray Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Hargeysa Brigade Bereha Tasfaye waxayna si gaara uga wada hadleen shirka beesha dhulbahante ka abaabuleen magaalada Talex oo masuullinta Somaliland ku eedeysay Itoobiya iney raali ka tahay shirka halkaas ka socda iyo wixi ka soo baxaba

Xarunta TALEEX ee shirku ka furmay waa xaruntii halgankii Darawiishta ee gumaysigii Ingiriisku ku weerayay Diyaarahadaha 1920 marki ugu horaysay tariikhda Afrika ka dib marki uu jabinkari-waayey halganki Darawiihsta oo socday muddo 20 sano ah 1900-1921.