Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maqaal Jidbaale

Monday - January 2, 2012

Maqaal(Jidbaale):-Waxay ka yimaadeen guryahoodii. Waxay soo qaateen sahaydoodii. Waxay soo mareen cir iyo dhul. Waxay soo gaadheen xaruntoodii. Waxay dugsanayaan taariikhdoodii.  SSC, shacab iyo madax, waxay maanta gabran yihiin duleedada xarunta taariikhiga ah ee Taleex. Waxayna marti u yihiin talo, midnimo iyo xornimo.

Shirka khaatumo ee ka furmay Taleex waa fursad kama danbays ah. Wuxuu ka dhashay xanuunkii tala la’aanta reerka aafayeeysay 21 sanno oo ka danbaysay burburkii dawladdii dhexe ee Somalia. Tani waa fursadii u danbaysay ee reer SSC aay kaga bixi lahaayeen dulliga, oo aay ummadda somaliyeed dhinac ka raaci lahaayeen amaba aay hogaamin lahaayeen. Waa fursaddii aay kaga bixi lahaayeen in reero kale tirada ku buuxsadaan, hawsha iyo eeduna u dheer tahay. Waa fursadii aay ku yeelan lahaayeen talo iyo maamul aay kaga baxaan horumar la’aanta ka jirta dhulka aay degaan. Waa tii aay ku hanan lahaayeen talada dhulkooda iyo dadkooda.

Waxaa kalsooni iyo yididiilo leh miisaanka iyo martabada aay leeyihiin ragga iyo dumarka maanta ku diyaar garoobay xarunti Taleex,  kuwaas oo isugu jira isim iyo caaqil,  wadaad iyo aqoon yahan, wax garad iyo nin garbeed,  siyaasi iyo sarkaal,  urur iyo hogaan. Waxaa farxad iyo reeyreeyn igaga filan boqolaalka kun ee kale ee aan xarunta imman karin laakiin la diyaar ah taakulada iyo talada, oo habeen walba talefoonka dhegta ku haya, oo wixii looga baahdo dhiibaya.

Haddaba maanta waxaa naga soo dhammaaday wejigii hore ee ahaa qabanqaabada shirka, waxaana la galay wejigii labaad ee ka midha dhalinta shirka, waxaana xigi doona wejiga saddexaad ee ah fulinta go’aannada shirka. Talada shirka ka soo bixi doonta waxay u taal dadweeynaha, madaxda iyo cumaamadleeyda shiraya, mana aan rabo in aan ka hordhaco. Haseyeeshee waxaan is leeyahay waxa maanta laabtayda miranaya waa ku jiraan qof kasta oo SSC u dhashay oo dadnimo ku jirto. Haddana ma aha hawsha G6 iyo guddiyada kaleba u taal inay iyaku go’aamiyaan wixii reerku rabo, laakiin hawshoodu waa inay abuuraan jawi wada tashi oo ka dhaca xarunta Taleex kaasoo fududaynaya in go’aanno caafimaad qabaa soo baxaan. Sida darteed waxaan talooyin kooban oo shan qodob ah aan ka dhiibanayaa sidii jawigaa lagu abuuri lahaa, oo aasaas u noqon kara sidii looga midha dhalin wejiga labaad ee geedi socodka Khatumo:

Kow, waxaan maanta innaku tilmaami karaa rag geeloodii la dhacay oo nin kastaa hashiisii maqan tahay. Talada taal waxaa weeye in geelii la soo dhiciyo hadhowna la qeeybsado, laakiin hadda ma aha in lagu mashquulo sidii loo qeeybsan lahaa isagoo maqan. Haddii maamul iyo talo loo baahan yahay xilli aan colaadi jirin,  waxaa maamul iyo talo loogasii baahi badan yahay xilligan oo kale oo aaynu dhacannahay. Waayo mar kasta, talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, iyadaana maanta loo fadhiyaa. Keliya waxaa habboon  in la saxo waxa laga tashanayo. Maanta xoolo iyo derejo la qeeybsan maayo, ee waxaa la qeeybsan doonaa dhib iyo hawl. Ninkii hawshaa u diyaar ahina waa inuu diyaar garoobo, kii wax kale u fadhiyeyna waa inuu candhuuftiisa dib u laqaa.  Geela waxaa maanta ka dhigan  dhulkeennii, sharafteennii, cirdigeenii, iyo taariikhdeennii, oo intuba gacateenna ka baxay.  Waxaa jirta maahmaah xikmad weeyn ku fadhida hadana si khaldan loo isticmaalo oo odhanaysa ‘geeljiruhu geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa’ ogaadaa weedha waxaa horaysa ‘waa wada jirtaa’, laakiin dadku waxay u isticmaalaan qeeybta danbe ee ah  ‘waa kala jirtaa’. Muddo dheer ayaa nin kastaa hashiisa uun ilaashanayey, una haystay in geela wadartiisa ciidamo malaa’igeed u ilaalinayaan, waana ta lagu jabay. War aaynu geela wada ilaashanno waxba kala waayi meeynee.

Labo, nin walbaa waa jecel yahay in taariikh fiicani u qoranto haddana inta badan waxaaynu taariikhda ka raadinaa meel khaldan. Walaalayaal taariikhda qormaysa ma aha ta dhexdeenna taal, ee shhegaysa sida aaynu u kala xoolo badannahay, ama u kala tira badannahay, ama u kala cilmi badanahay, ama u kala aftahansannahay.  Taariikhda micnaha lihi waa ta sheegi doonta waxa aaynu ka nahay somali dhexdeeda. Waa taarikkhdaa ta carrurteennu akhrisan doontaa oo aay madhaxeeda heli doonaan. Tusaale, waxaa isweeydiin leh ‘Ma waxaynu ku sifawnnaa reer reera la yaal, mise reer gurigiisa deggan oo ku sharfan’.  Maanta dadkeennii ayaa inna sugaya, oo talo innaka sugaya sidii aaynu masiirkooda meel ugu ogaan lahayn. Haddana Somali oo dhan ayaa innaka sugaysa talo iyo ficil ku aadan sidii loo furdaamin lahaa qarannimada iyo midnimada dalka oo dhan. Taariikhda dhabta ah ee innoo qormaysaana waa waxa aaynu ku darsanno talada ummadda iyo sida aaynu u hagaajinno nolosha iyo horumarka goboladeenna oo la innakaga dayan karo. Ma aha inaynu ka aradnaanno taariikhdaas.

Saddex, kuma noolin jasiirad cidla’ ah ee waxaynu ku dhex nool nahay oo innaku gaadaaman dad somaliyeed oo dhalasho, qaraabo iyo derisnnimoba naga dhexayso. Haddana dekemo iyo isfahan la’aani qaarkood inna dhex taal. Distoorka deris wanaagga innoo yaal innaka iyo deriskeenna waxaan ku soo koobi lahaa tix uu qarni hore tiriyey abwaan somaliyeed oo ahayd ‘rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, masa inaanu nahay oo tolnimmo meerta noo tahaye, ninkii aniga iga maarmaya uma muraad yeesho ….’. Nin walba oo walaakay ah oo somalinnimo naga dhexayso wuxuu iga mudan yahay sharaf, wuxuuna iga helayaa ammaan, naftiisa, maalkiisa, dhulkiisa iyo cirdigiisaba, inta uu isaguna intaa in le’eg ii ogol yahay. Haddii aan ka waayo intaas, aniguna kuma khasbani inaan keligay sido wadaan ceel taal, oo marka aan wadhfiyo aan la iga qabanayn. Si kastaba ha ahaatee anigaa ogol inaan wanaaga ku horeeyo laakiin kuma khasabani inaan sii wado haddii aan la ila garanayn, waayo taasi isaga iyo aniga toonna dan uma aha.

Afar, kala danbaynta ogaada. Ninkii diida talada iyo amarka walaakii wuxuu u qarqarsanaan doona amar nin ka fog oo aan u naxayn. Iska joojiya xuma ka sheegga mas’uuliinta idinla dhalatay ee naftooda iyo maalkooda u huray sidii aay danta guud uga midha dhalin lahaayeen. Haddii aaydaan yeelaayn,  feker ka qaata sida uu ILAAHAY SWT uu u xisaabo adoomihiisa; nin walba waxaa lagu daray laba malag oo midna qoro khaladka, midna qoro camalka wanaagsan. Sidoo kale waxaa idiin habboon inaydaan had iyo jeer qorin khaladka oo keliya ee, oo haddii waxa la miisaamayo qofka wanaagiisana la qoro, oo aaydaan noqon sida malaga denbiga qora oo kale, malaa’igtu waa badan tahaye.

Shan, haddii talo la isagu yimaado, kolba afkaaro kala jaad ah ayaa miiska imman doonta. Go’aankuna mid ayuu moqdaa. Waa inaad fahantaan go’aanka la qaatay ma ahaan doono go’aan uu leeyahay kii markii hore keenay, ee wuxuu noqon doonaa go’aan la wada leeyahay, qofkastaana ku khasban yahay inuu si daacad ah u fuliyo. Ceebna ma aha in talo nin keenay la qaato, ee waxaa ceeb ah inaan go’aanka la fulin. Marka shirku dhammado ma jiri doono tartan afkaareed ee inna dhex ooli doona, ee waxaa ooli doona qorshe fulineed. Waqti looma hayo qof hadhow yidhaahda ‘waa igama qudhunto, oo halkaygii ayaa salaadu iigu xidhan tahay’.  Ninka aan intaa garnayn ma aha inuu mas’uuliyad qaado.

Haddii aan intaa ku dhaafo talooyinkayga guud, sida aad la socotaan waxaan anigu ka mid ahay Guddiga G6 ee lahayd fekerka iyo qaban qaabada shirka. Hawshan hadalhaynteedu waxay bilaabantay bishii December 2010, waxaana shirka Taleex innoo furmay December 2011, waa hawl soo socotay sannad kaamil ah, oo marba meel joogtay. Waa hawl la gaadhsiiyey tuulo kasta oo degaankii ahaa, iyo magaalo kasta oo qurbajoogtu deggan tahay. Waxaana galay waqti iyo maal badan.  Hawshaa laxaadkeeda waxaa fuliyey guddiyo kala duwan oo debed iyo gudoba ka hawl galay iyo kumanyaal qurba joog iyo dal joog ah oo maalgeliyey.  Maanta oo aaynu bilownay sannad cusub, 2012, waxaan dareemayaa guul iyo reeyreeyn iyo mustaqbal fiican. Waxaana sharaf iyo maamuus iigu filan sida tolweeynaha SSC aay noo qadiriyeen, oo dhawaaqayagii u soo ajiibeen, oo maanta waxgaradkoodii u joogo Taleex ama u taageerayo.

Ugu danbayntii, dadku jinnac duulaan ma aha oo meel iskuma raaco. Inkastoo la odhan 95% dadweynaha SSC maanta waa taageersan yahiin shirka, haddana waxaa jira dad far ku tiris ah oo weli ka biyadiidan mabda’a isku tashiga ee khaatumo. Raggaas waxaan leeyahay ‘waar idinakama maarano, ee nala garta danta, dawga iyo dirirta jirta maanta’. Nala qaada waddada toosan.

Toddoba casho ka hor ayaanu haddanu nahay Guddigayaga G6 shir ku yeelanay magaalada Addis Ababa, oo aanu halkaa qorshihii shirka iyo wixii talo ah ku gorfaynay kuna dhammays tirnay. Marka qorshaha maanta la keenay Taleex waa mid aanu ka wada tashanay oo kalsoonidayada wata. Qaar naga mid ah waxaa u suurtagashay inay markiiba tagaan magaalada Taleex oo aay shirka hogaamiyaan, waxayna muujiyeen isbedel lagu diirsado ayaamaha kooban oo aay meesha joogeen. Xubno G6 ah oo aan ku jiro ayaan weli imman shirka waayo waxaay ku xanibanahiin mas’uuliyado kale oo inshallah iska soo dhammaanaya, laakiin waxaanu haynaa hawlo shirku leeyahay oo debedda ka socda, waana la soconnaa sida shirku u socdo. Maanta cidi uma maqna, ceelna uma qodno, ee yaan loo kala hadhin. Hawl nin kaa xigo laguma ordo, ragga meesha maraya ee G6 waa ku filan yihiin hawsha taal, waana u imman doonnaa haddii naloo baahdo.

Sidaas iyo guul iyo talo saarasho rabbi.

Saleebaan Cabdi Madoobe.