Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wasiir Xaabsade Oo Ku Gadooday M/weyne Siilaanyo Marku Ka Qarsaday Faq Looga Arin-sanaayey Talex

Tuesday - January 3, 2012

Hargeysa: xigasho (Waaheen) Wararka laga helaayo dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee ay Xukuumaddu kaga Arrinsanaysay waxa ay ka yeelayso Siyaasiyiinta duhur cad bartamaha Taleex ku qabanaysa Shir ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland ayaa Daah-furaysa in Golaha Wasiirada iyo Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u saaray arrintaasi ay ku kala aragti duwan yihiin, isla markaana Odaygii Siyaasigii ugu weynaa Beelaha dega Sool iyo Sanaag Wasiir Xaabsade lagala faqay oo aan meel-na lagaga darin talooyinkaasi.

Sida ay warar Xogogaal ah oo u dhuun daloola hawlaha Xukuumaddu wado Waaheen u sheegeen in Doraad Madaxtooyada looga yeedhay Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade si uu Warbaahinta ugu akhriyo War-saxaafadeedkii uu wasiir Duur akhriyay balse uu Madaxweynaha iyo Guddidaba ku gacansayryay inuu akhriyo kadib markii uu ku dooday inay akhriyaana Guddidii qortay ee loo magacaabay wax ka qabashada Shirka Taleex.

Talaabada Wasiir Xaabsade kadib ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidiisu inay u wakiishaan Wasiir Duur maadaama oo uu diiday Xaabsade taasoo kaliftay Wasiir Duur oo ahaan jiray Siyaasi Doob dilaacsaday oo qudbadihiisu u badnaayeen kuwo Gole ka fuul ah oo dhiirani inuu Casarkii Saxaafadda ugu akhriyo Xafiiskiisa.

Khilaafka ka dhashay Talada Taleex ee u dhex maray Xaabsade iyo Madaxweynaha iyo Guddidiisa ayaan ilaa hada Saldhigin waxaanay u muuqataa khilaaf hor leh oo sii fogayn kara Gogoshii Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay Beelaha Bariga Sanaag iyo Sool oo hada ku feegan Maamul Goboleed inay ku dhawaaqaan iyagoo dhegaha ka furaystay Siyaasadda Siilaanyo iyo Madax dhaqameedka Beeshiisa ee sida isdaba jooga ah ugu baaqaya Gogolaha Nabadeed.

Inkasta oo aan la hubin in Khilaafka Wasiir Xaabsade iyo Xukuumadda soo kala dhex galay uu sababay kulankii Qunsulka Itoobiya iyo isaga dhex maray hadana Xogaha hoose ee Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in kulanka ay yeesheen Xaabsade iyo Safiirku ku salaysnaa dareenka Siyaasadeed ee ka jira Shirka Taleex, taasoo ku timid danaynta ay Itoobiya danaynayso isla markaana tixgalinayso Xaabsade oo ah Siyasi Ruug cadaa ah oo aan marna taladiisa laga maarmayn.

Aragtida Siyaasadeed ee ay xukuumaddu ka qabto soo gurya Celinta Beelaha Bariga Somaliland ayay in muddo ah ku kala duwanayeen Siyaasiyiinta ka agdhaw Siilaanyo iyo Xaabsade, waxaana dhacday in iyaga oo ka qudbadaynaya Magaaladda Ceerigaabo dhawaan markii ay shaqaaqadu dhacday weedho Xaabsade ku durayay Kooxaha Somaliland ka soo horjeeda oo uu si adag ula hadlay ay ka biyo diideen xubnihii kale ee weftigaas oo uu ka mid ahaa Maxamed Kaahin Axmed oo lagu tiriyo Horjoogayaasha talada Xukuumadda, tan iyo wakhtigaasna waxa taagnaa in laga xan qarsado Oday Xaabsade iyadoo halkiisii la geliyay Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif oo ay saaxiibo dhaw yihiin Kooxda Wasiiradda ah ee ay talada Dalku ka go’do.

Si kasta ha ahaatee arrimahan ayaa mugdi galinay Mustaqbalka ay Xukuumaddu ka qaadayso shirkaasi waxa uu noqon doono maadaama ay Seegeen talooyin badan gaar ahaana tii Madaxweyne ku-xigeenka iyo Siyaasiyiinta Beeshiisu ka qaadeen Qurbajoogii Reer Awdal ee dhawaan dalka u soo galay sidii ay ugaga dhawaaqi lahaayeen Maamul la mid ah kan uu imika Cali Khaliif ka wado Taleex taasoo ay Reer Awdal maryo dhiig leh ku kala Furteen Aakhirkiina ay fashiliyeen kadib markii ay hargeysa ku qabteen masuulkii ugu sareeyay ee Barnaamijkaasi watay oo ku soo hoos gabaday Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi