Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shirkii Talex Oo Wafuudi Dhulbahante Soo Buux dhaafiyeen Iyo Fu'aad Aadan Cade Oo ...

Wednesday - January 4, 2012

Taleex: Warka ka imaanaya degmada Talex ayaa tilmaamaya in shirka Taleex u taageero badan ka helay beesha Dhulbahante gaar ahaan markii ay Somaliland ku hanjabtay haddii lagu soo hadal qaado arrimo siyaasadeed oo ka baxsan mid beeleed inaanay u dul qaadan-doonin oo ay talaabo ka qaadi-doonto taasoo la yiri waxay keentay iney guud ahaan beesha dhulbahante ka xanaaqaan.

Hasa ahaate wararkaa ayaa intaa raacinaya in illa hadda aysan jirin wax talaabo cad oo ka soo baxay dhinaca madaxweyne Siilaanyo iyo golihiisa dawlada oo lagaga hortagayo khatarta shirkaas kaga soo fool leh ee ka soo if-baxday bilowgiisiiba, taasoo noqon karta mid mustaqbalka siyaasada  Somaliland ee ay ku dooneyso ictiraaf dhaawac u keenta, isla markaana laga cabsi qabo in dhinaca Puntland iyadana ku timaado dhaawac xaga midnimada is-bahaysiga beelaha

Dhinaca kalena waxa isa soo taraya cabashooyinka ka soo yeeraya Siyaasiyiinta Dhulbahante ee Hargeysa ku sugan kuwaas oo ka cabanaya madaxweyne Siilaanyo inaanay fursad u siinin inay kala qayb qaataan waxa laga yeelayo shirkaasi gaar ahaana Xildhibaanada Golayaasha ku jira ayaa sheegaya in aanay talo ku lahayn arrimaha ka socda Gobolkooda.

Sidoo kale waxa aad loo hadal hayaa La taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha Barriga FuÂ’aad Aadan Cade oo rug cadaa ahi halka uu Jaan iyo Cirib dhigay wakhtigan oo loo baahnaa inuu dawlada siiyo talooyin ka hortaga shirkaasi, waxaase wararkuba sheegaya in uu dalka Itoobiya ku sugan yahay isla markaana uu iskaga fogaaday inuu talo ku yeesho shirkaasi maadaama beeshiisa inteeda badani taageersan tahay

Si kasta ha ahaatee shirkan oo aan ilaa hada si rasmi ah u furmin amase la saadaalinaayo biishan 5teeda ayaa la filayaa in uu bilaabmo iyadoo natiijada ka soo bixi doontaa ay 100% u dhawdahay in lagaga dhawaaqo maamul u gaara beeshaas.