Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

M/Weyne Shiikh Shariif Iyo R/Wasaarihisa Cabdiweli Gaas Oo No Weyn Saaray Doorashada Madoobe Nuunow

Thursday - January 5, 2012

Mogdisho: Somaliweyn- Gudiga Amniga Qaranka Oo Kulan Ka Yeeshay Dhacdooyinkii Ka Dhacay Gollaha Shacabka.ee lagu doortay gudoomiye baarlamaan ayaa soo saaray war looga soo horjeedo goaanka baarlamaanka Kulankii caadiga ahaa ee ay isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka,ee ay baarlamaanka xilka ka qaadeen madaxweynahana kasoo horjeestay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,c\wali maxamed cali gaas K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,iyo Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
 
waxayna masuuliyiintan ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo sheegay in umadda soomaaliyeed ay uga tacsiyeynayaan wax lagu tilmaamay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn, Waxana warsaxaafadeed kasoo baxay gudiga lagu yiri
 
Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
a) In kulanki maanta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
 
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.

Waa go aan ay adagtahay in si sahal ah ay dib u iliqaan gudigan uu kasoo baxay sidoo kalana waa mid sida hada muuqata aanay wax ku qaadaneynin oo ay dhegaha ka fureysanayaan xildhibaanada ku doodaya in si sharci ah ay xilka uga qaadeen gudoomiyohoodii mid kalana doorteen tanina waxa la saadaalinayaa in ay kala jebindoonto dowlada oo hada un uu u bilowday khilaaf adag oo labao geesood ah si buuxdana loogu lugleeyahay.