Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xarakada Al-Shabaab Oo Sheegtay ineysan Lug Ku Lahayn Dilkii Shiikh Axmed Xaaji C/Raxmaan

Thursday - January 5, 2012

MUQDISHO (AllPuntland)- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maamusha inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlaysay bayaan dhawaan ka soo baxay odayaasha Beesha Leelkase, kaas oo ay sheegayaan in dilkii Sh Ahmed Xaaji ay fuliyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Bayaan ka soo baxay Al- Shabaab ayaa lugu sheegay in aysan waxba ka jirin arrimahaas, isla markaasna ay tahay in ay beesha eegaan waxyaabaha loo soo gudbinayo ee ku aadan marxaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka waxaa lugu sheegay in aysan Shabaab lug ku laheyn dilkii Sh Axmed Xaaji, waxa ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin talaabada Beeshu qaaday, oo ah mid ay ku wareerinayaan dhinacyada kala gedisan.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa ay sidoo kale sheegtay in aysan waxba xiriir ah la soo sameyn gudigii beeshaas udirtay baaritaanada dilkii Shiikh Axmed, waxa ayna sheegtay in ay gudigaas ku xadgudbeen amaanadii ay udhiibteen Odayaasha Beeshaas.

Bayaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan ay sheegtay Beesha Leelkase in ay dilkii Shiikh Axmed Xaaji uheystaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, taas oo ay maanta iska soo rogeen Xarakada Shabaab.