Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines Oo Xaraashtay Fokker 50s Oo Hore Iskaga Dhex Gooshi Jiray...

Friday - January 6, 2012


Addis-ababa – Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ee ETHIOPIAN AIRLINES ayaa xaraashtay diyaarado badan oo nooca loo yaqaan Fokker 50’s, kuwaas oo gaboobay isla-markaana aan adduunku wakhtigan adeegsan.

Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya oo ururka midowga Yurub la sheegay inuu culays ku saaray inay joojiyaan adeegsiga diyaaradahan duugoobay oo ay shirkado isticmaalaysay muddo dheer ayaa waxay ka iibisay shirkad laga leeyahay dalka Singapore oo magaceedu yahay Fortran Aviation limited.

Maamulka shirkada Ethiopian Airlines ayaa fuliyey codsiyo kaga yimid midowga Yurub, kaasi oo ahaa inay joojiyaan isticmaalka diyaaradahan oo ay ku sheegeen inay sababi karaan khasaare laxaadle maadaama oo ay daaleen.

Diyaaradahan Fokker 50s ee shirkadu xaraashtay ayaa waxay ahaayeen diyaaradihii u kala gooshi jiray wadamada ku yaala gobolka Geeska Afrika oo ay ku jiraan Somalila, Djabuuti iyo gudaha Itooboya, waxayna hadda shirkadu ku badashay shirkado kale oo casri ah, gaar ahaan kuwo loo yaqaano Q400 Bombardiers “Waxaanu ka iibinay dhammaan Fokker 50s shirkadda Fortran Aviation limited oo dagan Singapore," sidaas waxaa warbaahinta dalka Itoobiya u sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam.

Shacabka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhankooda hore uga cowday ku safrida diyaaradaha Fokker 50s-ka ah, ka dib markii  uu dhowr jeer diyaarad kuwa la xaraashay ka mid ah uu istaagay mid ka mid ah labada Matoor ee diyaarad Fokker ah xili ay ku guda-jirtay safar ahaa Godey iyo Addis Ababa.

Deegaannada dalka Itoobiya hadda waxa iskaga dhex goosha diyaaraddo cusub oo noocoodu yahay Q400 Bombardiers, iyadda shirkadda Ethiopian Airlines ay leedahay 48 diyaaraddood, kuwaas oo ay ku jiraan shan Boeing 777-200 LRs ah, iyadda oo madaxa shirkadaasi sheegay inay dalab ugu maqan yihiin 35 diyaaraddood oo ay ku jirto 787-8 Dream-Liners iyo waliba 12 diyaaraddood oo ah nooca A350-900s.