Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Beesha Cumar Maxamuud Oo Taageertay Shirka Khatumo2 Ee Talex Ka Socda

Friday - January 6, 2012

                                                      BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

KU/ SHIRKA BEESHA DHULBAHANTE EE KHATUMO 2                                          Galkayo, 07/01/212

Walaalayaal marka hore naga guddooma salaan qaaliya oo idin kaga timi Walaalihiin Cumar Muxamuud annagoo aad iyo aad ugu faraxsan shirkiina aad kaga tashanaysaan Aayaha Dhulbahante.

 Waxaanu idiin rajaynaynaa in Alle Shirkiina ka dhigo kii Walaalahayo kaga baxaan dhibaatooyinka faraha badan ee idin soo wajahay, annagoo ku kalsan, Eebe idankii, inaad asiibi doontaan XALKA manta laydin ka sugayo.

Waxaannu si adag u aaminsan nahay inaan MASIIRKA Beesha Dhulabahante , aanu Gorgortan gali Karin iyadoo cid waliba ay xaq u leedahay inay ka Tashato Aayaheeda. Waxaanu sidoo kale aaminsan nahay inaan cidina idin ka hor istaagi Karin inaad raadisaan halka ay ku jirto Danta Beeshu iyadoo aan cidna lagu xurmaynayn, raali galinayn, lagalana tashanayn.

Waxaannu cambaaraynaynna cid kastoo isku dayda inay khal khal galiso Shirka Khaatumo2 iyadoo ka dhex eegaysa danaheeda gaarka ah. Sidoo kale waxaannu uga digaynnaa beelaha kale inaanay marna isku dayin inay Majara habaabiso Shirkiinna Qaaliga noo ah, annagoo hubna inaanay waxba uga suurta galayn.

Baqdin weyn ayaa dadyow badano oo idin jecel ka muujinayeen in Shirku dhacayo iyo in kale. War maxaa xigin ayaa la lahaa haddii Khaatumo 2 dhici weydo! Allihii idiin suurta galiyay  ayaannu ku MAHDINAYNNAA.

Waxaa xaqiiq ah inaan laydin kugu abaal gudin saad ugu dadaasheen in Magaca Mandiqaddani kor noqdo, iyadoo la’aantiin aynan marna curteen Maamulada hareeraha idin ka xigaa. Waa ayaan darro dhacday waana ka xun nahay sida ay wax noqdeen.

Ugu danbayn waxaannu idiin caddaynaynnaa inaanu diyaar u nahay inaan Taageerno go’aan kasta oo Dhulbahante  ku midaysan yahay ama waxgaradkiisu u Guddoonsho, waayo dantayada ayaa ku jirta inaad XAL heshaan. (waana naga daacad ), U hadli mayno, cidaan Beeshayada ahayn.

Hadday taariikhda gashay in Dhulbahante Shan Jamhuuriyadood ( oo Sayid Muxamad) ugu horreyay ay soo dhiseen, Puntland-na ugu dambaysay WAANNU HUBNAA INAAD KU FILAN TIHIIN AAYAHA DHULBAHANTE MEEL KASTBA KU FUREE OO DANTIINNU KOW KA TAHAY.

ALLAHA IDIN GUULEEYO IDIINNA GARGAARO .. 2012-ku waa Sannadkii Guusha Beesha Dhulbahante Alle idankii.

Waa Walaalihiin Aqoonyanka, Wax Garadka, Saraakiisha, iyo Siyaasiyiinta Beesha CUMAR MUXAMUUD.

1.Nabadoon Abdirahman Hussein Said
2.Nabadoon Osmaan Dhiito
3.Nabadoon Abdi Dirie Guyo
4.Nabadoon Mohamud Elmi
5.Nabadoon Ciiro Mohamed Omar
6.Nabadoon Yaasiin Abdisamad Omar
7.Nabadoon Abdirahman Bihi
8.Nabadoon Jama Farah Egal
9.Nabadoon Ali Ahmed Jahaf
10.Nabadoon Abdulahi Tahlil Barre
11.Nabadoon Abshir Hashi Botan
12.Sheikh Abdirahman Salad Diirshe
13.Dr.Mohamed Ali Yusuf
14.Farah Abdi Warsame
15.Elmi Ali Guuleed
16.Dr.Bashiir Ali Bihi
17.Abdisalan Farah Hoolif
18.Dahir Abdulqadir Farah
19.Abdirashid Ali Hashi  Dhuubane
20.Dr.Mohamud Salad Aden
21.Eng Yusuf Ali Herzi
22.Eng Abdulqadir Mohamud Mohamed
23.Gen.Abdulahi Ali Mire
24.Gen.Abdirazaq Sheikh Osman
[email protected]