Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Khudbadiisa Ku Duur-xulay In Shirka Talex Lagu Dhiso Maamul Goboleed

Saturday - January 7, 2012

“Haddii awoodaadu dhiman tahay ama rag yaraani iyo dhaqaale la’aani ku hayso waad ku qanci kareysaa, laakiin maalinta aad buuxdo dulmiga qaadashadiisu aad-buu u liitaa” Garaad Jaamac.

Taleex – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Isimida beelaha Dhulbahante ayaa iftiimiyey in shirka Khaatumo 2 ee degmadda Taleex ee gobolka Sool lagu yagleelayo maamul goboleed.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Dhulbahante ugu magaca iyo saamaynta badan oo hadal dheer ka jeediyay shirka Khaatumo 2 ee Taleex ayaa sheegay in Dhulbahante dhaqaale iyo rag-ba buuxo, sidaa daraadeedna aanay u dul-qaadaneyn duli uu tilmaamay inay hore ugu soo samreen, doonayaana inay samaystaan wax u gaar ah.

Garaad Jaamac waxa uu beelaha Dhulbahante ee shirka fadhiya u sheegay in aanay dhaxan tireyn dab uu xusay inay shiteen dad kale, loona baahan yahay in la sameeyo wax u gaar ah oo ka wanaagsan waa sida uu yiriye
" Haddii aad doonaysaan inaad ka baxdaan dhibka lagu jiro ee dayaca faraha badan keenay, oo waliba mararka qaarkood haddii awoodaadu dhiman tahay ama rag yaraani ku hayso ama dhaqaale la’aani ku hayso waad ku qanci kareysaa oo waxaad oranaysaa maanta maalintaadii maahee maalintaada sug, laakiin maalinta aad buuxdo duliga qaadashadiisu aad-buu u liitaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali waxaanu intaa ku daray in dhibka uu sheegay inuu Dhulbahante haysto ay keeneen dad tallo gaar ah leh " Waxaas oo dhan waxa keenay rag tallo leh ayaynu wax ka sugaynay oo aynu marti u ahayn, inaga oo intaa iyo in ka badanba samaysankarna"

Garaadkan oo u duur-xulayey yagyeelida maamul warkiisu hore u soo baxay ayaa waxa uu yiri “Maanta shirkan waxaanu ka sugaynaa tallo buuxda oo dhamaystiran oo aan cidna lagu raali-galinayn inta leh mooyaane, sidii aad u dhisan lahaydeen sida ragga kale guryahooda u dhistay, saraakiil iyo siyaasiyiinba waad leedihiin, reero kale dab ay shiteen ku dhaxan tiri maayo, mid aynu shidanay oo ka iftiin weyn ayaynu rabnaa inaynu samaysano oo aynu halkan (Taleex) ka yagleelo"