Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maamulka Puntland Oo Walaac Ka Muujiyey Natiijada Ka Soo Bixi-karta Shirka Beelaha Dhulbahante

Saturday - January 7, 2012

Garoowe - Waxa maalmahan isa soo tarayay walaaca ay madaxda maamulka  Puntland ka qabaan shirka Khaatumo 2 ee beelaha Dhulhabante uga socda degmada Taleex ee gobolka Sool.

Masuullinta Puntland ayaa ilaa intii uu shirkan furmay si dhaw ula socotay dhaq-dhaqaaqyada ergada shirka ka qaybgalaysa, oo la sheegay in ay u xusul duubayaan sidii gabagabada loogu dhawaaqi lahaa maamul la magac baxay Darwiish State oo ka madax banaan-doona Somaliland iyo Puntland oo gacanta ku hayo dhulka ay degto beesha Dhulbahante ee gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyado maamuladaas ay qorshaynayaan sidii loo mijaxaabin lahaa shirkaas.

Waxa goobta shirka Khaatumo ka socda ku sugan masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ka soo jeeda beesha shirka uga socdo, kuwaasoo kulamo gaar ah la leh kooxo ay u arkaan ay daacad ka yihiin masaaliixdooda gaarka ah, waxaana ay wadaan dadaalo ay kaga hortagayaan baajinta  ku dhawaaqida maamulka Darwiish State oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland oo ku dhisan beelo wadaaga magaca Harti.

Sida la sheegaayo qorshaha ay wataan nimankaas ka yimid xagaa iyo Puntland oo doonaya in fikirka maamul u gaara dhulbahante dib loo dhigo, si beesha Harti waqtigaan aan loo kala jarin, ayaa ku dadaalaya iney mid mid ula kulmaan odayaasha shirka ku sugan. hasa ahaate shirka Khaatumo ayaa ilaa hadda ergadi halkaas khudbada ka jeedisay ayaa aragtidooda ku saleysneyd midnimo iyo aayo ka tashiga danaha beesha dhulbahante.