Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Midawga Afrika Oo Xoojinaaya Dagaalka Ka Dhanka Kooxda Al-Shabaab

Sunday - January 8, 2012

Addis-Ababa: Midowga Afrika ayaa diyaargarow xooggan ugu jira fidinta ololaha ka dhan ka ah kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya ,  iyadoo sare loo qaadayo tirada ciidammada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.

Kulan ay masuuliyiinta wasaaradaha difaaca ee dalalka Bariga Afrika toddobaadkan ayay ku taageereen qorshe sare loogu qaadayo tiradi hore la isula qaatay ee ciidammada AMISOM ee ahayd 12,000 in haatan la gaarsiiyo 17,700 oo askari.

Arrinta sare u qaadidda tirada ciidammada AMISOM ee jooga Soomaaliya oo uu si buuxda u aqbalay Midowga Afrika , ayaa loo gudbiyey golahaa maanka ee Qaramada Midoobay, si goluhu u eego  toddobaadka dambe, isla markaaana u siiyo taageerada laga doonayo.

Taageerada golaha amaanka ee arrintan ayaa ah mid muhiim ah, maadaama uu golluhu bixiyo inta badan qarashka ku baxa ciidammada AMISOM.

Guddoomiyaha guddida amaanka iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika, Ramtane Lamamra, oo arrintan ka hadlayey ayaa sheegay in qorshahan loogu talagalay in lagaga faa'iideysto guulihi dhawaan la gaaray, kuwaasoo ay kamid ahayd guushii ciidanka  Ethiopia iyo kuwa Somaaliya ay ka soo hooyeen Magaalada Beledweyne oo ay ka furteen kooxda al-Shabaab.

" Waxaanu ka shaqeynaynay qorshaha aragti cusub oo ka tarjumeysa xaaladda cusub ee meesha taal ... ka bixitaanki lagu qasbay al-Shabaab inay ka baxdo Muqdisho, guulaha cusub, mahadi ha ka gaartee, ay Kenya hormoodka ka tahay, kuwa cusub ee iyana ididiilaha leh ee ay hormoodka ka tahay  Ethiopia oo taageereysa xukuumada Somaaliya  ee lagu xoreeyey Beledweyne," ayuu yiri Ramtane.

Qaramada Midoobay ayaa laga sugayaa  in ay sare u qaado khaarashka ku baxaya guud ahaan hawlgalada la ballaariyey ee AMISOM, iyada oo la doonayo in ciidanka Somaaliya ay ku laba jibaarmaan kuwa AMISOM.

Ethiopia oo diiday in ay ciidankeeda ku biiraan AMISOM, si aan  ciidankeeda u hoostagin talis midaysan oo meel kale laga maamulo, ayaa dhankeeda taageero xooggan ka geysanaysa sidi ay ciidanka DKMG ah u gaari lahaayeen natiijooyin qorsheysan.