Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Shacabka Masar Oo Dalbaday In La Daldalo Xusni Mubarak Iyo Milatariga Oo Jiq Ku Ah Codsiga Sacuudiga

Monday - January 9, 2012

Hadda ka hor madaxweynihi hore ee Masar Xusni Mubaarak abaaraha biishi March 2010 ayaa laga wareystay sida u arko dilkii daldalaada Sadaam Xuseen iyo sidu xiix u oran, waxuu ku jawaabay inu ahaa Nin xumaan ku fogaaday, hasa ahaate dilkiisa aan si fiican loo agaasimin oo aan la garan-karin waxa dilkiisa loogu beegay maalinti ciida Carafa ee al-adxa, waxuu kalo tilmaamay waxa kalifay in sawir laga qaado qaabka loo daldalaayey oo shacuubta dunida loo tusaayey, isla markaa isagoon ogeyn in dhul-gariir sadex sano kadib ku imaandoono, waxuu cabiray in daldalaadiisa ay ku fiicneyd inu ku dhamaado dariiq kale oo qarsoodi ah.

Wax walba maalin bey leeyihiin iyo saacad u eebe qoray oo aan horana u dhaceyn dibna u daaheyn ee ku socda sidi ilaahay ugu tala galay .. iminka waxaa la sheegay in xeer ilaaliyaha maxkamada Masar `` prosecutor`` u dacwadiisi lidka ku ahayd Xusni Mubaarka ku soo gabagabeeyey in lagu xukumo daldalaad ma daama ayuu yiri waxuu masuul ka ahaa amarkii lagu dilay 800 oo ka mudaaharadeysey liberation Square, isla markaa Prosecutor-ka isago hadalkiisa ka jeedinaayey maxkamada horteeda ayuu si toosa weerar ereyo qadaf ah u geeystay Xusni Mubaarak oo ku yiri "Waxaad  gaf u geeysatay magaci iyo karaamadi askarnimada aad mudada dheer ku soo jirtay, waxaana adigoo ciiro isku qarineyn  adeegsatay xaaraan kasta oo aad ku xalaaleysatay sidi wiilkaaga Jamaal xukuna ugu wareejin-lahayd, waxaad noqotay dhurwaa dhiig miranaaya, cadawgi dalkana hiil mooday, Ragi magaca iska lahaa ee u soo dhintay dalkaan Masar hadey caawa noolyihiin wey kugu qosli-lahaayeen ... adiga Xusni Mubaarak dhaqan bi'iska ah Masar waa kaa reysatay oo dhogor cusub ayaa u soo baxday mana mudnid in laguu naxariisto" .. Xusni Mubaarak isagoo sidi buste qoyay u eg ayuu sariir maxkamada lagu keenay ka dhex hamaansaday oo indho angagay ku eegahayey waxa proscutorka ka soo yeeray. 

Sheekadu waxay hada joogta meel aan la garaneyn si looga badbaadi-karo dhibaato ku soo food leh dalka Masar oo laga yaabo iney galaafato maal iyo dadba .. hogaamiyaashi kacdoonka Masar iyo gaar ahaan qoysaski ilmahooda laga dilay oo intooda badan si buuq ah maalin walba maxkamada isa soo dul buuxsha waxay wacad ku mareen iney dhiig daadin-doonaan oo dalka Masar ku guban-doonto haddi ayey yiraahdeen aan xuska kacdoonka biisha 25 January lagu beegin daldalaada Mubaarak, taaso sida la filaayo baqdin laga qabo shacabka awgiis maxkamadu sida la qabo maalmahaan ayey ku dhawaaqi-doonta daldalaadiisa, laakiinse arintaani si gaara ayey mashaqo ugu noqneyso saraakiisha sare ee ciidamada oo iminka aayatiinka dalka ka taliya oo hadda si ay yeelaan garan la' maxaa yeelay waxay garan la'yihiin si ay uga dabaashaan codsiga Khaliijka Carabta iyo reer galbeedka oo ujeedo ku diidan in Mubaarak la daladalo oo micnuhu  yahay iska hor keen shacabka daldalaada dalbanaya iyo Milatariga dalka xukuma , hasa ahaate waxaa jira warar qarsoodi la isla dhex jibaaxayo oo sheegaayo in jeneraalada ciidamada ay Mubaarak u diideen in takhaatirto aragto, taso loo qaadan-karo iney jeclaan-lahaayeen in ay arkaan Xusni Mubaarak oo si lama filaan ah naftu uga baxdo oo dabadeed labada dhinacba sidaas raali ku noqdaan.

Waxaa su'aashu tahay haddi la daldalo amase sida la sheegaayo uuba iska dhinto waxaan la garaneyn qaabka maratabo  loo xabaali-doono, ma hab madaxweyne ayaa loo xabaali-doona oo nacshka lagu wado meydkiisa ayaa calanka Masar korka laga saaridoona isla markaana labadiisa wiil xiran ma loo ogolaan-doonaa iney aaskiisa ka qayb galaan, mise si caadi ah ayaa qalfoofka lafihiisa qabuuraha shacbiga loogu tuuri-doonaa.