Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweynaha Maamulka Awdal Oo Ka Degay Mogdisho Iyo UN-ka Oo Soo Galbiyey

Tuesday - January 10, 2012

Muqdisho: Madaxweynaha Maamulka Dibed Wareega ah ee ay samaysteen qurbaajoog ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Somaliland C/rashiid Aw Nuur Xirsi ayaa ka dagay magaaladda Muqdisho.

Weftiga kooxdaasi waxa madaarka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibeda ee Somaliya Xaamud Aw Cali Maansheeye oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Awdal, waxaana la sheegay in madaxweynaha Maamulka Awdal State ay siday Diyaarad khaas ah oo ay leeyihiin UN-ku waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyadda.