Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Turkiga Oo Dib U Dayactireysa Wadooyinki Mogdisho

Wednesday - January 11, 2012

Mr.C/llahiyad Kookdagi oo ah Xiriiriyaha guud ee hay’adda TIKA ee laga leeyahay wadanka Turkiga mar u la hadlaayay wakaaladda wararka ee Anatolia ayaa sheegay inay dhawaan dayactir buuxa ka bilaabayaan wadooyinka waaweyn ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mr.C/lahiyad waxaa uu sheegay inay soo gabo gaboobeen kulamo ay la lahaayeen madaxda dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhawaan bilaabayaan dib u dayac tirada wadooyinka Muqdisho ku yaala oo bilicdooda dib loo soo celinayo.

Habka naqshadeynta wadooyinka ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwa caalami ah waxaana uu xusay in kulanka ay la yeesheen madaxda Soomaalida uu ku saabsanaa fahamka habka wadooyinka loo dayactirayo.

" Dhawaan waxaanu bilaabaynaa hadda wixii ka dambeeya dayac tirka wadooyinka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho" ayuu yiri Mr.C/llahiyaad Kookdagi oo ah xiriiriyaha hay’adda TIKA ee wadanka Turkiga haatana ka hawl gasha Soomaaliya.

Dawlada Turkiga ayaa horey u balan qaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay ugu horeeyay xarumaha caafimaadka, iyo wax barashadda waxaana hay’adaha Turkigu ka fuliyaan Soomaaliya hawlo gar gaar ah .. xigasho Somalweyn