Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beesha Tanade/Lelkase Oo Shirka Khatumo-2 Iyo Halka Gogoshu Taalo Gaarsiyey Tiro Geel Baarqab Ah

Wednesday - January 11, 2012

Taleex: War naga soo gaaray magaalada Talex ee u ka socdo shirka la madalay khaatumo2 ayaa sheegaya in beelwaynta Laylkase ee dega dhinaca nugaal ay Gudiga leadership council-ka Shirka Khaatumo-2 ku wareejisay tiro hadiyad Geela baar qabna ah oo ay ku sharfeen madasha shirka,waxaana Geelaas la wareegay gudiga qaban qaabada Shirka iyado deeqdaas ay si wayn u soo dhaweeyeen jilba culusta Cuqaasha Deegaanka Taleex iyo Gudiga Qaban qaabada Shirka.

Warka ayaa intaa ku daraya in markii Geela halkaas la keenay ay daawasho indho fiyow,reyn-reyn iyo is barasho waji furan leh ugu yimaadeen shacabkii degaanka iyo ergooyinki shirka oo dabadeed halkaas amaan looga wac siiyey,sabciis iyo mashxarad lagu harqiyey soo dhaweynta Geela iyo beeshi keentay oo lagu tilmaamay qoom ilaahay ku beeray wanaag oo bilicsimo goobeed u dhalatay ragna wax dheeraaday, iyagana dhinacooda kaga jawaabeen iney wax ay guteen ay tahay waajib iyo xaq ehelnimo la isku leeyahay una rajeeyeen shirka inu ku dhamaado guul iyo farxad.