Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Xaalada Sool Oo Cirka Isku Shareertay Iyo M/weyne Siilaanyo Isugu Yeeray Baarlamaanka

Thursday - January 12, 2012

Hargeysa-Xigasho Waaheen: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay in shalay isugu yeeray Shirguddoonada labada Gole Baarlamaan isla markaana uu ka codsaday inay Xildhibaanada labada Gole fadhi isugu yeeraan maalinta sabtida ah si go’aan looga qaato xaalada sii cakirmaysa ee lagu mijo xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha Dhulbahante kaga dhawaaqeen Maamul Goboleedka.

ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo go’aanka uu la hor tagi doono Fadhiga la sheegay inuu iskugu yeeray labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland hase yeeshee waxay xaaladu u egtahay in lagu dhaqan gelin doono sidii talaabo Milatari loogu waajihi lahaa arrintan maadaama markii hore Xukuumaddu dhayalsatay wax ka qabashadeeda imikana ay marayso meel khatar ku ah Sumcadii Somaliland lahayd. Waxaanay wararju sheegayaan in Heegan la galiyay Ciidamadda si aanay kooxda shirkaa wadaa fursad ay isku sii balaadhiso u helin.

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay joojisay Mushahar ay siiso Ciidan Beeleed ay Taleex ku qaramaysay kuwaas oo la sheegay inay ilaaliyaan shirka Taleex ee lagaga soo horjeedo Somaliland balse sida warar danbe oo aanu helnay sheegeen way u fasaxday markii danbe

Dhinaca kalena waxa meelo badan oo ka mid ah Deegaanada Sool ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerao Shirka Taleex kuwaasoo khasaare dad lagu dhaawacay ka dhashay sida wararku xalay sheegayeena Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay sameeyay dibad-bax ay ku taageerayaan go’aanka laga soo saaray shirka Khaatumo2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socda beelaha Dhulbahante.Dibad-baxan oo ahaa mid Somaliland ka dhan ah ayaa waxa dadwaynaha kala hadlay Odayaal reer Buuhoodle ah oo taageersan maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Khaatumo 2, iyagga oo dadku ku qaylinayeen kalmado ka dhan Somaliland, isla-markaana ugu sacabo tumayaan inay samaystaan maamul u gaar ah.

Dadkan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland u jooga halkaasi Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa baaq u diray ciidamadda ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ee ku jira ciidamada Puntland inay ka soo baxaan oo ay hoos tagaan shirka Khaatumo.

Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Puntland, isaga oo tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato maamulka la sheegay in la yagleelayo.

Dhinaca kale, odayaal la sheegay inay ka soo kicitimeen dhinaca Magaaladda Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland oo ka soo horjeeda maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Taleex ayaa la sheegay inay abaabul ka dhan ah shirkaasi isla-markaana Somaliland dan u ah ka bilaabeen Magaaladda Laascaanood, iyagga oo kulan la yeeshay badhasaabka gobolka Sool Maxamed Jeeni-yare.

Raggan oo la sheegay inay awal ka soo horjeedeen Somaliland ayaa abaabulaya dad si ay u baajiyaan go’aamada la filan karo inay shirka Taleex ka soo baxaan, raggan oo ay ka mid yihiin Axmed Geelle, Nuux Yaasiin iyo kuwo kale ayaa la sheegay inay barasaabka ka dalbadeen inuu ka taageero hawsha ay wadaan.

Dhinaca kalena waxa xalay magaaladda Laascaanood ka dhacay isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shirka Taleex waxaanay ciidanka Booliisku isku dayeen inay kala diraan balse markii danbe waxay u adeegsadeen tacshiirad taasoo sababtay in xaaladu cirka isku sii shareerto oo ciidamada dib looga qaaday.

Si kasta ha ahaatee tan iyo intii uu shirkani bilaabmay waa soo baxaya Tuhuno badan oo shaki galiyay dadweynaha kuwaasoo ilaa hada kala saari la’ mawqifka Xukuumadda ee shirkaasi oo markii horena Saamayn ku lahayd qaban qaabadiisa ilaa hadana qaadi kari la’ talaabo lagu qanci karo oo wa lagaga qabanayo haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid Ciidan toona .. Xigasho Waaheen