Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Garaad Saleebaan Oo Madasha Shirka Khudbad Ka Akhriyey Meeshana Ka Saaray Khilaaf La Sheegay

Thursday - January 12, 2012

Taleex,(lasanod Online)- Garaadka oo daqiiqdado ka hor soo galay shirka waxaa lagu soo dhoweeyey Sacab iyo mashxarad socotay daqiiqado badan.

Garaad Saleebaan yaa markuu soo galay la fariistay miiska dhexe ee ay fadhiyaan Garaadada iyo gudida fulinta ee G6. Waxaana hadda fadhiya madasha shirka Madax-dhaqamedka SSC dhamaantood.

Imaatinka garaadku saaka waxay meesha ka saartay dacaayadii iyo been abuurkii warbaahinta qaar sheegeen in lagu kal qaybsanyahay shirka Khaatumo2 ee ka socda Taleex.

Maanta waa maalin ay shacabka SSC, Isimo iyo shacaba ay ku midaysanyihiin aayo ka talintooda..

Garaadka oo kudabad aad loola dhacay ka jeediyey madasha shirka ayaa sheegay inuu raali ka yahay taageerayona in shacabka SSC wax uu gooni u leeyahay samaysto.

Garaadku wuxuu cadeeyey inuusan jirin cid uu meel ugu xirnaa, laakiin uu ku jiray wadatashi si looga bogta arrinta oo aysan u noqon sidii shirarkii hore.

Garaadka oo hadalkisii sii wata ayaa sheegay inuu isagu horeynayo maamulka laga samaynayo gobollada SSC iyo xoreynta deegaanka.

Khudabdii garaadka waxaa ku jiray kaftan badan oo dadki madasha fadhiyey aad ugu qosleen.