Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Siyaasiga Ismaciil Buubaa Oo Yiri Waxba Soo Kordhinmeyso Xilka Laga Qaado Shariif Sakiin

Friday - January 13, 2012

Nairobi: Somaliweyn- Ismaaciil Hurre Buu-baa oo horey u ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda ee Xukuumaddii Cali Max’ed Cali Geeddi ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka KMG Soomaaliya, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay kala qeyb sanaan uu sheegay in iminka ay ka dhex jirto baarlamaanka Soomaaliya.

Buu-baa ayaa khilaafkaasi waxaa uu ku tilmaamay in uu yahay hadii uu sii socdo mid sii kala fogaynaya Xildhibaanada baarlamaanka, islamarkaana horseedi kara dhibaato ka dhex dhalata barlamanka, wuxuuna sidaasi dareedeed uu ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo jawhareerka siyaasadeed ee u dhaxeeya baarlamanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Shariif looga baahanyahay in uu isku keeno Xildhibaanada muransan, si heshiis waara loo gaaro.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee Xukuumaddii Cali Max’ed Cali Geeddi ayaa waxa uu intaasi ku daray in baarlamaanka uu yahay Hay’adda sharci dajinta dalka islamarkaana ay awooddoodu tahay inay ka laaban karaan wixii 13-kii bishii lasoo dhaafay ay ku gaareen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay xilkii ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo xusay in baarlamanka waxa u harsan ay yihiin waqti yar, xilligaani aysan waxba soo kordhinayn hadii xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamaanka.

Tan iyo xilligii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadal hayn ku aadan waxa ay ka kala imaanaysay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed shir jaraa’id oo uu qabtay uu sheegay in sharci daro ay tahay wixii ka dhacay