Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Ergooyinki Shirka Taleex Oo Bilaabay Ka Doodista Magaca Loo Bixinaayo Maamulka Cusub

Saturday - January 14, 2012

Taleex – Ergooyinka ka qayb-galaya shirka Khaatumo 2 ee degmada Taleex uga socda beelaha Dhulbahante ayaa bilaabay inay ka doodaan magaca ay doonayaan inay u bixiyaan maamulka laga iclaamiyey shirkoodaasi.

Ergooyinka ka kala socda beelaha iyo jifooyinka Dhulbahante ee shirka Khaatumo 2 ayaa doodaasi ay ka yeelanayaan maanta magaca ay doonayaan inay u bixiyaan maamulka la sheegay in laga yagleelayo Taleex ku soo bandhigay magacyo tiro badan, kuwaas oo dhammaantood ka turjumaya maamul goboleed la mid ah kan Puntland.

Magacyadda ilaa hadda ergooyinkaasi ay soo bandhigeen ayaa waxa ka mid ah:

1. Darwiish state 2. Darwiishland state 3. SSC state of Somalia 4. Nugal State 5. Northeast state of Somalia.

Dhanka kale, deegano ay ku jirto Magaaladda Buuhoodle ayaa waxa laga dareemayaa diyaar garow dagaal, waxaana ku soo qulqulaya maleeshiyo beeleedyo tiro badan, kuwaas oo ka cabsi qabba inay ciidamada Somaliland deegaanka Maygaagle ay weerar ku qaadaan gudaha Magaaladda Buuhoodle oo ka mid ah meelaha laga taageersan yahay maamul goboleedka cusub

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ilaa xalay jiida Buuhoodle laga maqlayey gariirka hub culus oo ay tijaabinayaan Maleeshiyaad reer Buuhoodle ah, kuwaas oo doonaya inay iska caabiyaan ciidamada qaranka, inkasta oo la sheegay in qoysas badan oo reer Buuhoodle ahi ay ka qaxeen gudaha Magaaladaas, una qaxeen meel bari Buuhoodle ka xigta oo magaceeda lagu sheegay Qaraar.