Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Amaanka Magaalada Mogdisho Oo Soo Wanaag-sanaaday Iyo Dadka Oo Guryahoodi Ku Noqday

Saturday - January 14, 2012

Muqdisho– Amaanka caasimada dalka Soomaliya ee Muqdisho ayaa amaankeedu soo wanaagsananayaa, waxaana ka yaraaday dagaaladii ku dhex mari jiray kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Amisom Iyo kuwo dawlada ku meel-gaarka ah oo dhinac ah, waxayna dagaaladi u wareegeen dhinaca gobolada kale.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Gen. Fred Mugisha oo ka hadlay amaanka wakhtigan ee Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Magaaladda Muqdisho uu aad uga wanaagsan yahay sidii hore, isaga oo xusay in sannadkii tagay uu yahay sanad-guulo badan la gaadhay.

Gen. Mugisha wuxuu sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Xarakada Al-shabaab, wuxuuna xusay in khasaaraha ka soo gaara ciidamadooda dagaallada ayna noqon doonin kuwo hoos u dhiga dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab " Muqdisho sannado waxay ahayd goob colaadeed maantana aad ayay uga duwan tahay waayo dadka ayaa billaabay inay dib guryahooda ugu laabtaan, inkasta oo ay mararka qaarkood qaraxyo dhacaan haddana ammaanka waa mid wanaagsan," ayuu yiri Mugisha, isaga oo tilmaamay in ururka Midowga Afrika iyo dalalka kale ee dunida ay wadaan qorshayaal lagu soo afjarayo colaadda iyo nabad la'aanta Soomaaliya ka jirtay muddada dheer, isagoo sheegay inay dhawaan dalal kale oo Afrikaan ah ay ka imaanayaan ciidammo dheeraad ah " Ciidamada ka socda Kenya iyo Itoobiya ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya qaarkood iskaashi wanaagsan ayaa naga dhexeeya, waxaan meel uga soo wada-jeednaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab,"